Isku Dhicii Hadraawi Iyo Siyaad Barre (WQ: Cali Cabdi Coomay)

= Khilaafkii Riwaayadaha Hadraawi

Isku dhicii ugu horreeyey wuxuu Maxamed Siyaad iyo Hadraawi ka dhexqarxay sannadkii 1972-kii ka dib markii ay ifka u soo baxday riwaayadii caanka ahayd ee AQOON iyo AFGARAD. Nuxurka riwaayadu wuxuu ku saabsanaa inay waxbarashadda lagu dhigto dalka gudihiisa ay ka mihiimsan tahay ta lagu dhigto dibadda. Riwaayadaasi ayey dadkii aan Kacaanka ka dhacsanayni u turjumeen inay ka soo horjeedo Kacaanka. Dabadeed Maxamed Siyaad ayaa ciidankiisii Koofiyadcasta u soo diray Hadraawi, waxaanay u kaxeeyeen ilaa xeradiii Afisyooni. Waxaana loo geeyey Siyaad oo geed hoostii fadhiya. Siyaad wuxuu ku yidhi Hadraawi” Waan ogahay in aanad Kacaanka ka soo horjeedin, laakiin maxaa wax kasta oo aad tiriso annaga na loogu adeegsadaa?” Hadraawi wuxuu isku dayey inuu qanciyo Siyaad Barre, oo wuxuu sheegay marinka ay suugaantu marto iyo siday bulshadu ula doonato halkay u buuxinayso. Ka abwaan ahaan marka ay gacantayada ka baxdo ayaa noogu dambaysa. Xaqna uma lihin in aannu nidhaahno eraygaasi halkaa ka daaya. Suugaantuna waxa ay ka hadashaa waxa jira. Ka dib hadalkii ayuu Siyaad Barre ku soo noqday oo uu yidhi” Waxa aad doonto I weyddii, laakiin maanta wixii ka dambeeya yaanan maqlin wax suugaan ah oo aad leedahay oo annaga na loo adeegsaday”. Waxaanu Hadraawi ugu af-celiyey” Sidii Alle ka dhigo ayey noqonaysaa”.

= Riwaayaddii TAWAAWAC iyo saskii Siyaad Barre

Riwaayadaasi waxa ay soo baxday sannadkii 1973-kii, waxaana ka mid ahaa hees la odha jiray HAL LA QALAY oo si qotodheer u qaawinaysa sidii loo kala boobay midhihii gobonnimaddii iyo dawladnimadii 1960-kii. Sidoo kale waxa ay sii tilmaamaysay heestaasi wacdaraha ka soo muuqda saraakiishii dalka inqilaabtay. Maxamed Siyaad wuxuu sii gaar ah u qoonsaday tuducyadan: Weligay cad quudheed, anna qaadan maayoo, qalanjadan faraha dheer wax la qaybsan maayee”. Siyaad wuxuu weedhahan u micnaystay inuu Hadraawi kaga jawaabayo kulankii ay yeesheen iyo hadalkii isugu dambeeyey ee uu Siyaad ku yidhi wixii aad doonto I weyddii. Riwaayadii TAWAAWAC ayaa baadhitaan la mariyey, waxaana ka qaybgalay madaxweyne ku xigeen iyo saddex wasiir. Baadhitaanka ayaa bilaabmay fiid waxaanu socday ilaa waabarigii. Dhawr jeer ayaa Hadraawi lagu yidhi wax ka beddel, isna wuu diiday. Aakhirkii waxa Hadraawi loo keenay waraaq sheegaysa in aan riwaayadaasi TAWAAWAC aan la dhigi Karin oo ay Kacaanka ka soo horjeedo.

= Shakigii Hadyaddii Hadraawi loo soo diray

Gabadh la odhan jiray Caasha Jaamac Diiriye ayaa Hadraawi hadyad uga soo dirtay dalka Jabuuti. Hadyadu waxa ay ka koobnayd; calanka shanta gees leh, seef qurux badan, gabay iyo subeeciyad. Warqadda gabaygu ku qoran yahay waxa ku dul sawiran seef. Hadyadaasi waxa Hadraawi loogu keenay Lafoole. Warqaddii ayuu warkeedii u gudbay warbaahintii iyo bulshaddii. Ka dib wargays la odha jiray shacabka oo madax bannaan ayaa boggiisa hore ku soo qoray oo yidhi, waxa loola jeedaa, seefta odayga ku dil, calankana adiga ayaa ilaalinaya oo hayn kara. Warku markuu gaadhay Siyaad Barre ayuu u soo diray ciidankiisii koofiyadcasta, waxaanu soo faray inay ka soo qaadaan alaabtii Jabuuti lagaaga keenay. Hadraawina calankii iyo seeftii ayuu u dhiibay, waxaanu u raaciyey alaabtaasi waa amaano ee haya.

= Waraaqddii Lagu Xidhay

Wakhti habeen ah isaga oo jiifa sariirtiisii Jaamacadda Lafoole ayuu Hadraawi la soo baxay waraaq uu u soo diray nin ay saaxiibo ahaayeen oo la odhan jiray Rashiid Maxamed Shabeelle. Qolka uu ku jiraa wuxuu lahaa daaqad weyn oo muraayad ah oo aan daah lahayn. Isagu isma oga show ciidan ka mid sirdoonkii Siyaad Barre ayaa daaqadda ka daawanaya. Ninkii ciidanka watay wuxuu amar ku bixiyey inay ciidanka qolkiisa galaan, isna wuxuu ku hadhay daaqadda si uu  u eego marka albaabka la garaaco meeshuu waraaqdda dhigayo. Waraaqdda uu Hadraawi akhrinayo waxa ay u fahmeen inay tahay mid sir ah oo lagu ogaan karo cidday xidhiidh lahaayeen. Ciidankii ayaa albaabka soo gaaracay wuu ka furay. Ka dib ninkii ciidanka watay ayaa ciidankii soo jiidhay oo soo qaatay waraaqddii oo uu Hadraawi barkimada hoosteeda geliyey. Wuxuu u qaatay ninka ciidanka watay inuu sir gacanta ku dhigay, ka dibna jeebadda ayuu geliyey. Qolkiisii ayaa baadhitaan lagu bilaabay, wixii waraaq, buug ama cajalad taallay ayaa sariirtiisii la isugu keenay. Ka dib waxa ay la soo baxeen katiinad labada gacmood ayaa laga xidhay, gaadhi ay wateena waa la saaray, sidaasi ayaa lagu xidhay. Waxaana lagu xidhay jeel ku yaallay deegaanka Qansaxdheere. Hadraawi wuxuu jeelkaa Qansaxdheere ku xidhnaa 11-kii Noofambar ee sannadkii 1973 ilaa 6-dii April ee sannadkii 1978-kii. Waxaanu xidhnaa shan sanno.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.  

Calicoomay@gmail.com

Tix-Raac: Hawaale Warran (2021)……..Maxamed Ibraahin Warsame ‘Hadraawi’.