Macallinkii wanaagsanaa (WQ: Cabdifataax M. Axmed)

Dad badan  wey u fuddudahay in ay yidhaahdaan hebel wuxuu ahaa macallinkii ugu wanaagsanaa ee wax isoo bara,waxase dhab ahaantii jira haddana hal macallin oo ahaa kii ugu wanaagsanaa, Abdillaahi Mouse Qaalib annigu waxaan u hayaa “HAA weyn” Macallinkii Wanaagsanaa.Ardeydiisii uu wax soo wada barey dhammaantood wuxuu noloshooda ku reebay saameyn aan duugoobeyn.wuxuu ka mid noqdey dadka ka soo dhigey dadka wanaagsan ee ay hadda yihiin.

aan idin sheego Abdillaahi Mouse qaalib kaasi oo ahaa macallinkii caanka ku ahaa waxbarashaddii gaarka aheyd iyo dugsigii gaarka ahaa ee laga baran jirey aqoontii dugsiyada sarre oo aan anniga lafteydu wax ku soo bartey dhammaadkii 90maadkii.Macallin Abdillahi Mouse wuxuu ahaa barre Markaad aragto inta badan  u lebisan si yar oo fudud iskana xidha shaadh iyo surwaal iyo kabo nadaafad badan leh,timihiisu ay u xiiran yihiin sidda ugu wanaagsan ee diinteenu ogoshahay,inteena garaneysa Sheikh baraawe marku ku soo baxo Fasalka iyo barxadiisa waxaad markiiba ku garaneysaa wejigiisii furnaa iyo Gacantii uu shandada iyo buggaagta ku sidan jirey,tobaneeyo sanno ka dib maalmo aan suuqa isku aragney waxaan isha ka qaadey isaga oo weli gacantiisu ay buuggaag sidato maktabadna ka baayacaya buugg.Maan arag Macallin sida abdillaahi Mouse oo kale ah oo samuurada iyo tamaashiirtii sida ugu quruxda iyo nadaafada badan u isticmaali jirey,gacantiisu lamey dagalaami jirin samuurada,tamaashirtuna mey mari jirin gacantiisa isaga oo wax ku qoraaya,naxariista,daacadnimada,deganaanta,ilaalinta wakhtiga barida tayada leh iyo ilaalinta ardeydii wada danyarta aheyd dhanka dhaqaalaha  ayaanu ku xasuusan doonna.

billawgii 99kii ayey aheyd markii ugu horreysey ee aan Maqley maggaca Abdillaahi Mouse,Markaasi oo aan ahaa Ardeydii dugsiyada sarre la soo qoraayey,haa waan maqley maggaca macallinkaasi,Maqlidaasina waxa igu xigey in aan dugsigiisa isa soo qorey (Ardeydii wakhtigaasi ayuunba garaneysa siddii wakhtigaasi lagaga mid noqon jirey dufcada cussub ee uu macallinku qaadanaayo),la yaab,waxaan nasiib u yeeshay in aan fursadaasi qoridiisii ka mid noqdo,fasal aan uga daacadsanaa kana jeclaa waxbarashadiisa imuu soo marin,ilaalinta sharciyadiisa iyo xeerarkiisa ayaana naga wada dhigey ardey wanaagsan.farxad badneydaa in aan ku jirey ardeyda sheegata in ay Abdillaahi Mouse wax ka dhigteen.

Ma garanaayo sidii aan ku gaadhi jirey Barta ganacsiyada badan hadda ee dugsiga sheikh baraawe,waxaan is arki jirey uun anniga oo jooga maalintii xilliga xiisada,dhoolacadeyntii iyo wejigii farxada badnaa ee macallinkeyga waxa u sii dheeraa hadalkii koobnaa ee jewiga degan ku socdey iyo socodkiii sahlanaa.Kalsooni sarreysa ayaa dugsiga Abdillaahi Mouse ku soo darey ardey badan oo wax dhigganeysey 90maadkii,markaan sannadahaasi xasuustoodii bangiga xasuusta maskaxda ku furo ilmadu waa Diyaar.

Buugga laga qorey barahaasi ayaa muuqaalkiisu iiga muuqdey ayaamahan barta fbga oo sugaaya bandhig,Weli sharaxadii iyo casharadii koob-koobna ee dhigashada ku macaana maankeyga wey ku duugan yihin.haddanan soo marin ardeynimadii Abdillaahi Mouse,iyo lodadkii dugsigiisa wax ka soo bartey in ay wax iga maqan yihiin ayaan isku arki lahaa.Sannado badan ka dib waan arkayaa sawirkiisa cimriga iyo gabowgu ku dhacey,laakin farxad uga weyni in uu arko ardeygiisii oo nolosha meel wanaagsan kaga jiraa ma jirto.ilaa Maantana ardey ayaa siddi wax uga barata inkasta oo horumarka waddanku sameeyey dhanka waxbarashaddu ay dalka ku soo kordhisey aqoon badan iyo macallimiin badan oo kale.Kuwo badan oo siddiisa wax u dhigaaya kuna hadha taariiikhda macallimiinta dalka in aan maanta heysano waa inoo farxad.

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com