Shirka Jaraayid ee Siyaasi Mohamed Cabdi Gaboose xajiin weyn iyo dhaliilo aan jirin ayaa ka buuxey (WQ: Abdilahi Hassan)

Shirka Jaraayid ee Siyaasi Mohamed Cabdi Gaboose xajiin weyn iyo dhaliilo aan jirin ayaa ka buuxey!!!

“ kiis Maxakamadda ku jira, oo maddaniya ayuu Madaxweyne Muse Biixi marinnayaa Gaboose”

Horta Mohamed Cabdi Gaboose ixtiraam weyn ayaan u hayaa, waxaannu ka mid yahay raggii wakhtiggii Madaxweyne Ahmed Siilaanyo Xisbigga kulmiye dhiigga u shubay.

In baddan ayaan difaacey oo taageero shaqsiya u muujiyey, waayo waxuu ka mid yahay Dr Mohamed Cabdi Gaboose labeenta iyo haldoorka Qaranka, waxna wey jiraan in laggu ixtiraamo ay tahay runtii.

Xaq ayuu u leeyahay Dr Mohamed Abdi Gaboose inuu xukumadda ku dhaliilo wax inoo hagaajiya, waanna mid qof walba ama muwaadin kastaa xaq u leeyahay taasi.
Laakiin, Siyaasi Gaboose dariiq taasi ka duwan ayuu maray, waxaannu dhaliil, canbaarayn, ceeb iyo xumaan weyn dusha kagga tuuray Madaxweynaha iyo Xukumadda uu hoggaamiyo, taasi oo aan ahayn mid gebi ahaanba xaqiiqda ku qotonta.

Gaboose waxuu ka hadlay dhinacyo baddan sidda,

1- Beelaha dhificyadda,

2- Shir Burco lagga waddo oo siyaasiya,

3- Soomaaliya,

4- Xukumadda,

5- Madaxweyne Muse Biixi,

6- Jeeggaan aan jirin,

7- Iyo cadaalad-daro,

Dhamaan amuuraha Dr Gaboose ka hadlay waxay ahaayeen kuwo Siyaasiya oo uu ugga faa,iideysannaayo wakhtigga iyo fariimo uu shacabka u diraayey oo ah, weli waan jooggaa, gaar ahaan Xisbigga Mucaaridka, ee Waddani, oo uu doonnaayo hoggaankiisa.

Dhaleecaynta, ku dhug barashadda iyo dhoobo la dhaca Madaxweyne Muse Biixi Cabdi iyo Xukumadiisu dhamaan waxay ahaayeen kuwo laggu wiiqaayo kalsoonidda iyo taageeradda Xukumadda MadaxweyneMuse Biixi Cabdi.

Waxuu Gaboose soo xigtey dhaliilo shaqsiyaad khaldani Xukumadda Saxaafadda hore ugu mariyeen, oo jiritaan kadhaliilaha aan waxba ka jirin xaqiiqdii.

Waxuu Gaboose si mug iyo miisaan weyn leh ugu nuux-nuuxsadday shir lagga waddo Magaaladda Burco, oo dhowaan kolsooni iyo taageero loogga raadinnaayey qurbaha.

Waxaannu rajo ka muujiyey in shirkaasi noqdo mid wax beddella ama Xukumadda Madaxweyne Muse Biixi Cabdi kalsoonidda iyo taageeradda ku lumiso.

Ragga shirka horkacaaya, ee ugu miisaanka weyn, dheeli iyo sedbursi dhankoodda u ciiray ayey Burco isagga iman, oo laggu xisaabtami, taasinna tiradda kumay darin kuwaasi.

Burco waa 14 isuduwe 9 ka midda ragga shirka wadda ayaa fadhiya, oo Ummadda kale wey ka fara-madhantahay, taasi waxay noqon doontaa wax Habar Jecelo lafteeddu ku xisaabtanto, oo Garxejis iyo Habar jecelo ku xisaabtamaan, marka raggu madal weyn isuggu yimaaddo.

Garina waxay tahay ninkii dheeri haystoow dhig, oo Ummaddu waxay wadda leedahay hala waddaaggo. Ma jirto collaad ama xumaan u dhexeeya Beellaha wadda yaalla ama wadda dhashay, laakiin Amuurtu waxay daarantahay Siyaasad aan weli bislaan, oo aad loogga hordhacaayo runtii.

Ragga dabadda ka riixaaya shirka Beelaha Garxejis iyo Habar Jecelo waxii Ummadda ayey hayaan, taasi ayaa laysugu iman, oo cadaalad iyo sinnaan laggu sugayaa.
Waxii tol ka maqan ama dumi xalkeedda anagga ayaaba ka kowa, laakiin Siyaasad waxii lagga waddo ama dulmi naggu ah Xisbi ahaan iyo Xukumad ahaan yeelli mayno, wax aanu aqbali karananna maaha runtii.

Dhamaan amuuraha Gaboose ka hadlay waa dhaliilo iyo xumaan laggu weeraraayey Xukumadda Madaxweyne Muse Biixi iyo isagga laftiisa, dulmigga iyo cadaalad-daradda kuwa daweynayaa waa Xukumadda Madaxweyne Muse Biixi Cabdi.

Wax jeeggaan la yiraahdaa ma jiraan ragga ugu tunka weyn Xukumadda Madaxweyne Muse Biixi waa Beesha iyo jifadda Mohamed Cabdi Gaboose laftiisa. Sidda Oday/Siyaasi Cawil Cali Ducaale ilaahay khayr ha siiyee.

In ummadda la marin habaabiyo ama laggu kiciyo waxaan jirin kolley nin weyn oo mustaqbal siyaasiya suggaaya loogga fiican, Mohamed Cabdi Gaboosanna waxaan leeyahay siyaasiggu maaha had iyo jeer iyo markii uu hadlo inuu nabaro horleh, oo halista naafeeya isku dhufto.

Dr Mohamed Cabdi gaboose waan taageeraa shaqsiyan, oo siyaasadiisa raali ayaan ka ahaa, waxaan odhan jirey, intii yarayd ee Beriggii Siilaanyo Xukumadiisa uu yidhi yaa ka masaxa.

Laakiin maanta ayuu seera miinnaa siigallay Ina Cabdi Gboose, oo dhinac walba u riddey, midhadhkii aan ka midka ahaa, ee ugu danbeeyeyna maanta ayuu didiyey, oo fara-madhnaan ayuu taagganyahay runtii.

Dhaliisha Xukumadda uu ku weeraray iyo sidda uu xaalladda guud ee dalka uga hadlay qaabka uu u dhiggay waxba ugama jiraan, waxaannu hadalkiisu ahaa mid mucaarid.

Mucaaridna waa la yaqaanna dhaqankiisa iyo waxuu yiraahdo oo dhibaato iyo saamayn uu leeyahay midna ma jirto, Ina Cabdi Gaboose Ummadda uu wax ka doonnaayo haw tudho, oo markuu hadlo yaannu dad waayin, ee dad iyo taageero waa inuu hellaa.

Taasi ayuu Siyaasigga fiican had iyo jeer ku dadaallaa ama hab-dhaqankiisu daaranyahay, si aanu Ummadda u waayin.

Dhaliisha, gafka, cayda iyo cannaata Dr Goboose dusha kagga tuuray Mdaxweyne Muse Biixi iyo Xukumadiisa waa intii mucaaridku odhan jirey oo aad waraaqo looggu soo dhiggay ama aad loogga soo shaqeeyey muddo.

Dr Gaboose ixtiraam ayuu igga Mudanyahay shiidkii iyo dhagaxii iyo hadaladdii dhiifta lahaa, ee Xukumadda iyo madaxweynaha uu ku garaacaayey ayaan ka jawaabney, waxii ku soo noqdanna isagga ayaa kasbaday Mudane Gaboose.

Amuurta ugu weyn ee xilliggan Dr Mohamed Cabdi Gaboose shirka Jaraayid u qabtay, waxay tahay.

dacwad madaniya oo qoys ayaa ku socota, taasi ayuu iskagga bello xujaabaayey shirkan Jaraayid, oo Ummadda uu u tusayaa in laggu xumaynaayo ama iminka ay timi markii uu hadlay.

Taasi ayaa ugu weyn shirkiisa Jaraayid Dr Mohamed Cabdi Goboose, oo uu u qabtay xilliggan Shirkan Jaraayid, oo Xukumadda muse Biixi uu dhalladda uga baxay.

Taasi ayuu Muse Biixi marmarinnayaa runtii, oo kaliiftey inuu nabar Xukumadda iyo Madaxweyne Muse Biixi dhankoodda ula kaco maanta.

Waa Shir jaraayid oo mudugaysan, Ummadda qaylo khasta oo yeedha waxii kaliifey ha baadho.

Abdilahi Hassan.