Silsiladdii Gorgorka: Q.6aad (WQ: Cabdikariin-Xikmaawi)

Qormaba xiise lehe, markan intaan ka soo digo-roganno xarafkii X- da, bal hadda aynnu isku jalbeebinno xaraf kale oo hodan ah, silsiladdeennan Gorgorka ama Baqayuhuna ay ku tidcantay. Judhaba inta aan kugu sooro xarafka, anigoon hadalka sii calaalin aan (G-da) soo qabto, si aad jeerkaasba iila socoto.

Mar labaadna aan ku xusuusiyo e, silsiladdeennan qoraalka ayaa isku jiiddaaya e, ma ahayn kolnaba mid si u kas ah u bilaabantay. Iskaba daa kasoo, xataa haddii layskula kama’ ay, haddana kolnaba ragga badankiisu sheekada uma kal tirsan, umana kaayaysanne, nin ba kobta uu Facebook-ga ka degenyahay ayuu hortaa bannaan ugu kala fidsaday wadhiisa.

Waa hagaagge, haddii intaas aan xusuusin gaaban kaga imaaddo, aan u soo noqdo silsiladdeennii iyo halka markanna rag isla jinbaco. Wali waxa aynnu badhtanka kaga jirnaa dacaayaddii Xuurta e, kolkii nimanka reer Xalxalised shinbirta dileen, ka dibna ay soo sawirreen, waatii sheekadu cirka isku shareertay, wali haddaba shareerkii ayaynnu ku jirnaa sheekada e, dacaayaddii reer Xalxalised ku socotay, waxa markanna difaac iyo deedafaynba u galaaya rag badan.

Khadar Cabdi Ibraahim nin la yidhaahdo, oo (Khadar-Halac) Ku magac dheer, reer Hargaysana ah, ayaa inta uu gabay kooban tiriyo, guud ahaanba nimankii Habaryoonis ku odhannaaya ‘ alaylahee in badan ayaydun galaw iyo shinbirro layseen, hawada sarana aad gaadh ka ahayddeenne, bagga ayaydun xinniinyaha iska goyseen, oo wixii carruurta cunnaayay aad disheen’

Khadar isaga oo tirinnaaya tix gaaban, aad se mooddo in dhanna ay Habaryoonis ka taageerrayso, dhan kalana aanay ka sal-fadhiyin; ayuu odhannayaa:

“Waxay gurucyo dheer iyo juglay, gawda ku hayaanba

Guumays waxay toociyaan,goor iyo ayaanba

Gabal dhiciyo waa, reerihii gulufku heeteeyey

Gadaafada dhaliisha ah kuwii, lagu garaacaayey

Mar haday ninkii gawraceen waan ka gamayaaye

Gucumaale aar iyo raggii goosha qabanaayey

Gor gor iyo inaan haad dhibayn galiya taariikhda.”

Khadar-Halac, waa nin Ciidagale ah, oo reer Buraale ah. Waa aqoonyahan haddana ah bare suugaanta ka hiddiya qaar ka mid ah dugsiyada dalka, waana hal-abuur suugaan badan leh.

Haddaba, Khadar haddii tixdaa kooban uu ku jalbeebbiyay sheekadii, waxa faan iyo in uu Habaryoonis ammaannaayo u qaatay rag badan; waa siday ila tahaye. Raggaas oo qaarkood si guurtinimo leh u hadleen, ayay qaarna Khadar si toos ah ugu soo jawaabbayaan, qaar kalana si dadban. Kolkaas ragga sida tooska ah Khadar ula hadlay waxaa ka mid ahaa nin la yidhaahdo, C/Naasir Cali C/Raxmaan (Afrika)

C/Naasir-Afrika waa nin reer Berbera ah, oo Ciise Muuse ah, kana sii ah Deerayaha, waana maamulaha rukga kutubta ee Barbera. Hal-abuur tix curiye ah, macalin suugaanta iyo Biology-ga dhigga, ahna qoraaga buugga “Sheeko Waayeel” Afrika ayaa qoraal kooban oo bartiisa Facebook uu ku baahiyay waxa uu u qoray sidan:

“Maalin dhowayd oo dad badani dheheen haadkii daallinka ahaa ayuu nin yari dilay. Anigu warkaa ma rumaysan. Waayo, mar taa ka horraysay ba inta xuur yar xawda laga gooyay ayuu haddana shimbirkii dhagar qabaha ahaa shil kale geystay.

Maalinkaa niman badan oo aanu saaxiibo ahayn baa tix iyo tirab labada ba ku sheegay in bahalkii la dilay. Reer Gaashaamo iyo reer Xalxaliseed na bogaadiyay. Waxa ka mid ahaa saaxiibkay abwaan Khadar Halac oo meerisydan hoose innala wadaaggay:

“Waxay gurucyo dheer iyo juglay, gawda ku hayaanba

Guumays waxay toociyaan,goor iyo ayaanba

Gabal dhiciyo waa, reerihii gulufku heeteeyey

Gadaafada dhaliisha ah kuwii, lagu garaacaayey

Mar haday ninkii gawraceen waan ka gamayaaye

Gucumaale aar iyo raggii goosha qabanaayey

Gor gor iyo inaan haad dhibayn galiya taariikhda.”

Aniga oo ka werwersan in markanna la qudh gooyay shimbir kale oo ceeb-ka-saliim ah, ayaan meerisyo kooban oo dulucdoodu ahayd, in arrinka ha la hubsado bal in bahalkii saxda ahaa la dilay, ayaan sidan ugu fal celiyay:

Maantiyo geddii shalay ma hubo, guul inay tahay

Labaduba wax bay gawraceen, aan la garannaynne

Inuu gabanka kii cunnay arlada, goobayo u dhowe

Inuu guuray oo geeddi galay, garan se maayaanne

Wixii cunugga googooyay ee, geeri sababaayay

Ee geliga ula duulay iyo, dhiraha guudkooda

Garaadkaygu sidu sheegayaan, geliyay maankayga

Waa bahal ka gabaraarsan oo, kani ka guud weynne

Ha la hubiyo Gaashaamo yuu, goosan kale laynne.

Tixdaas hubsiimada badani ka muuqato haddii uu Afrika tiriyay, waxa isaguna tix qiimo leh Jarmalka ka soo tiriyay nin la yidhaahdo Axmed Cali Caabbi, oo Habarjeclo ah, oo reer Daahir ah. Axmed waa hal-abuur, waana aqoonyahan bartay culuumta xoolaha. Tixdan waxa uu isna jawaab uga dhiggayaa ninkii Khadar-Halac, waxaannu leeyahay:

Guuto cola, libaax gaylamiyo, dhidarro gaajooday

Si kastooy u gaangaanbiyaan, goor la wada seexday

Gariirkiyo codkoodaan is qarin, guuxa reenka leh e

Gabbalkaa dhac waa samada uun, gaadhka ha loo diro e

Abris gane ah iyo guud ahaan bahal gurguurtoo dhan

Goor jaan ayaa lagu arkaa, guriga aagiise

Markaa saa hangool giigsan iyo, gudin la qaataaye

Oo madaxa guudkiisa sare, laga garaacaaye

Gabbalkaa dhac waa samada, uun gaadh ha loo diro

Gaashaamo bahalkii beryahan, loogu geli waayay

Bahalkii gurboodkiyo ku cunnay, guunyadiyo maalka

Ee sida gantaalaha dhaciyo gumaca boodaayay

Ee geedka laga wada galee guuxa laga yaabay

In kastuu naf gooyuu muddaba, dhinac u gooshaayay

Gaban labiyo toban jira ayaa, gaaddadaw dhigay e

Gadhka laguma qaatiyo nin ragga, giirka iyo joog e

Kolkay xaajo gawdh’gawdho ee, lays ka wada giijo

Ama geedka ay joogto ee eray wax goynaayo

Ayay geesi iyo kala baxaan kaan ganbo ahayn.

Axmed oo aad mooddid in aannu isagu cidna difaacayn, cidna duraynnin ayaa halkaas sheeko dhiggay, isaga oo garaaddo dahab ahna tixdiisa ku siiyay wiilkii xuurta dilay. Alaahee malaha halka rag iska marayo ayaannu ogaynne, Axmed sidaas uma gabyeen. Ila noqotaye, haddii se aan horre u sii soconno, waxa isaguna tix gaaban oo hogatus iyo bogaadin iskugu jirta tirinnaaya nin la yidhaahdo: Siciid Maxamuud Gahayr (Hargaysaawi)

Siciid waa nin hal-abuur tix curiye ah, qoraaya, macalin ah, waayo-arag iyo cilmi baadhe aad u maskax furan ah. Hayb ahaanna waa Ciidagale, oo Cabdi bari ah. Waana qoraaga buugta kala ah: “Culuumta Maansada, Qur’aanka iyo Sayniska, Samo Talis, ikkb” Siciid meerisyadan yar ee tixda ah waxa uu ku leeyahay ‘waar nimanyahaw raggii xuurta dilay anigu waxba libin ah umaan qirin, haddii se waxa iminka la dilay uu yahay bahalkii saxda ahaa, alaylahee waa laga raysan doonnaa mushkiladdiisaa’ waxaannu yidhi:

Wixii gabanka kaa weeraraad, geeri ka xigtaaye

Gar Allee kuwii xuurta dilay, guul umaan qirinne

Gorgorkii haddaad toogateen, waa la gama’yaaye

Goohii riyaaq baa beddeli, gooshkan maanta ah.

Siciid na haddii meerisyadaas kooban uu tiriyay, waxa isaguna gabay kale tiriyay nin la yidhaahdo Cabdirisaaq Dheeg. C/Risaaq waxa uu taageersanyahay, oo aad u bogaadinnayaa wiilka yar ee bahalka dilay, waxaannu leeyahay ‘galawga, gorgorka, galaydhka iyo guud ahaanba haaddu in ay dadka cunnaan ma mooddaynne, balse haddii waayadan Eebbe balaayo duulaysa nagu sallidday, alaylahee waa Alle mahaddii haddii wiil yari nagaga guntaday oo naga dilay.

Galow dhiillo inuu sheego baan, guudka ka aqaan e

In galaydhku halaq gaasiraan, mooday gacaloow e

Gorgorkuna inuu gaafwareeg, raqaha goobaayo

Oo aanu aadmiga god dhigin, baan guddoonsadaye

Guumeys huqdeedaan maqlaa, goor iyo ayaan e

Waxse galabta yaab iyo hummaag, geliyey maankayga

Shimbir inuu gurbood iyo carruur, naga gasiintaaye

Imtixaan gun weyn buu ahaa, go’uhu maandhoow e

Kolse gamaska hootada haddii, ganac wareenkiisa

Gumuc iyo rasaas li’i haddeer, ruuxda laga gooyey

Xamdi weeye guullaha Ilaah, gaar u leeyahay e

Baladii galiilyada siddee, gooha nagu reebtay

Wiilka ganay nin door geesiyiyo, gobiyo caadkeed dhe.

Cabdirisaaq Maxamuud Maxamed Yaasiin, oo uu dhalay abwaanka weyn ee Abwaan/Xildhibaan dheeg, ayaa isaguna gabaygan sare silsiladda kaga qaybqaatay. C/Risaaq waa nin Ciidagale ah, oo Guuyoobe ah, waxaana uu hadda degenyahay waddanka UK.

Maxaa dhici doonna?!

La soco qaybta 7-aad.

W/Q: Cabdikariin-Xikmaawi