Warbixin kooban: weftiga guurtidda ee la shiraya xubno kamid ah baarlamaanka yurub (WQ: Abdirizak Diinaari)

Weftiga Guurtidda iyo Baarlamanka ee Beri Imanaya Belgium. Waxey Kala kulmi DOONAAN waji-gabax. Iyado aaney jawaab u aheyn labadda sano ee mudho kordhinta. Xisbiguna hore buu uga shaqeeyey. Xafiisyadda ey tagayaana waxa yaala. Qoraalkii Eurepian unionku iyo waddamadda kale ee saxiibadda Somaliland ahi soo saareen. Taaso jawaabteedda wali laga sugayo xukumadda iyo golayaashu iney ixtiraamaan.

Xisbiguna shaqadiisa wuu gutey, xafiisyadda beesha caalamka oo dhan wey gaadheen qoraalo uu kaga dareen celinayo muddo kordhinta qeyrul-dastuuriga ee waafaqsaneyn nidaamka hanaanka dowladd wanagaa iyo horumadka dimuqraddayada ee dalkeenu ku soo caano maaley.

Sidaas darteed tageerayaasha xisbigu haka werwer la’aadaan werwerka ey ka qabeen inuu waxka bedelo nuxurkii hore uga soo baxey EU inuu socdaalka xubnaha labadda gole ee ku yimadeen Belguim ey wax Ka bedelaan go’aankooddii hore.

Safarka gudiyadda arimaha DIBADDA ee baarlamanka iyo guurtidda Ku marayaan Brussels iyo Gernmany. Waxu ku soo uruurayaa nuxurkii qoraalka ka soo jawaaba xukumadd ahaan iyo golayaal ahaan. Fariin ey dib u qaadan buu Ku soo idlaan doona.

Caalamkuna waxu leeyahey waar maaha suurta gal 17 sano baaralaman fadhiya ee dowladdnimadiina hagaajista oo doorashoyin qabsadda.

Sidaas darteed beri waxey la kulmaan su’aalo badan aaney jawaab u heli doonin. Sidaas darteed waxba kama bedeli karaan socdaalkoodani. Go’aamadda ey qaateen waddamadda Somaliland ka tageera hanaanka dimuqradiyadda qoraalka ey soo saareen maalintii dhoweydd.

Dowlaha daneeya dimuqradiyadda somaliland waxey marwalba la aragti yihiin Somaliland asxaabta ka jirta ka saxsan ee ixitramaaya Dastuurka dalka iyo koboca dimuqradiyadda sidaas darteed.

Waqtiga xaadirka ah beesha caalamku waxey tageersan tahey aragtida asxaabta MUCARADKA iyo Ururadda bulshadda ee Ka soo horjeedda in aan la sameyn muddo kordhin qeyrul sharci ah.

Taasa keentey iney Ku qancaan documentyadda iyo warbixinadda ey dalkeena Ka soo saareen. Iney leexatey dimuqradiyadda xukumadduna qaadatay go’aamo khaldan oo Ka hor imanaya hanaanka dowladd wanaaga.

Guushu mustaqabalku

waa Xisbiga  waddani

Sawiradda hoose waa wasiirka arimaha dowladda Belgium iyo Madaxweynaha ururka Africa ee OAU organisation African Union.