Caleemosaarka Madaxweyne Biden muxuu dunida uga dhigan yahay?

Ugu dambayntii waxa maanta la caleemo saaray Madaxweyne Joe Biden oo ku guulaystay doorashadii ka dhacday November Maraykanka. Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump wuu diiday natiijada, kamanuu soo qaybgalin caleemosaarka. Hase ahaatee looma joojin.

Si guud marka loo eego, waxa la odhan karaa dadweynaha dunidu laab furan yaya ku soo dhaweeyeen Joe Biden.

Ra’yi ururin ay sameeyeen idaacadaha caalamiga ah ayaa lagu sheegay in dadweynaha dunida badankoodu ay fikrad aan wanaagsanayn ka aaminsanaayeen Trump. Sidoo kale, sida ay daabacday CNN, ray’i ururin lagu sameeyey Maraykanka ayaa lagu sheegay in 63% dadweynaha Maraykanku ay u arkaan Madaxweyne aan shaqo wanaagsan waddankooda u qaban. Taas oo Trump ka dhigtay madaxweynihii ugu dhibacaha hooseeyey wakhtigii uu xilka ka dagayey marka la eego taariikhda cusub ee Maraykanka.

Aragtiyihii caawa madaxda dunidu ka bixiyeen Biden waxay u badnaayeen in ay dunidu heli doonto hoggaan xasilan, isla markaana ay ka raysan doonto jahawareerkii iyo waalidii lagu dhammaystay afartii sanno ee ugu dambeeyey.

Sidoo kale waxa isbeddeli doonta siyaasaddii Maraykanka ee ahayd “Ameerika ayaa mudnaanta koowaad leh”, taas oo macnaheedu ahaa danta Maraykanka wixii aan ahayn faraha ayaa laga qaadayaa. Madaxweynaha cusub wuxu khudbadiisa ku sheegay in lagu beddeli doono “Dunidu wax ha wada qabsato”.

Yurub oo aad uga niyad xumayd madaxweynenimada Maraykanka ee Trump neef qabow ayaa ka soo boodday markii la caleemo saaray Joe Biden. Waxaanay rajaynayaa in uu noqon doono hoggaamiye hantigoosiga iyo reer galbeedka si wacan u hoggaamiya. Ugu horayn waxay filayaan in uu ku soo noqdo heshiisyadii caalamiga ahaa ee sida foosha xun looga baxay sida kii cimilada iyo kii Iiraan.

Afrika oo aanu Trump cagaha soo gelin intii uu Madaxweynaha ahaa kuna tilmaamay “Bullaacad” waxay rajaynaysaa in uu Madaxweynahan cusubi uga qaboobaan doono kii hore, ayna wada shaqayn doonaan.

China oo la laba-lagdoonayey Trump, isla markaana ay ku dhaceen cumo-qabataymo ba’an wuxu rajaynayaa hadda in uu miyir-qab ka yimaado dhinaca Maraykan, isla markaana ay wada shaqeeyaan iyagoo ah labada quwadood ee dunida ugu waaweyn dhinaca dhaqaalaha.

Falastiin oo uu Trump damacsanaa in uu khariidadda caalamka ka masaxo haddii uu ku soo noqdo madaxweynenimada waxay madaxweynahan cusub ka rajaynayaa in ugu yaraan uu isku dayo in uu dhinaca xalka wax ka eego, isla markaana aanu ugu joogsan si la mid ah sidii Trump ugu joogsaday.

Iiraan oo bakhtigu xalaal u noqday kadib markii nooc wal oo cumoqabatayn ah la saaray, waxay rajaynayaa in lagu soo noqdo heshiiskii Trump ka baxay ee loo yaqaanay JCPA, sidaana ay nolosha dadkeedu uga soo rayso.

Qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah oo uu daaqadda ka tuuray Trump sida WHO oo xadhkaha u jaray iyo UNFPA oo uu dhaqaalaha ka jaray iyo hay’ado kale oo harratidiisu si uun o soo gaadhay iyaguna waxay rajaynayaan in ay wax is beddelaan.

Toddoba dal oo uu Muslimiin ah oo uu Trump ka mabnuucay dalkooda, iyaguna waxay sugayaan in mabnuuciddaa iyo takooriddaa laga joojiyo, awoodna ay u yeeshaan in sida waddamada kale ay dalkaa u safraan.

Waxa iyagana waxoogaa naqas ahi ka soo booday waddamo badan oo Bariga Dhexe ah oo uu Trump awood xad-dhaaf ah u iyo hanjabaad u adeegsanayey si ay ula heshiiyaan Israa’iil iyadoo aan wali meel lagu tiirin mustaqbalka Falastiiniyiin.

Saxaafadda Maraykanka oo aqbalabiyaddeeda uu ku shaambadeeyey beenaalyaal warxumeyaal ah ayaa iyaguna la filayaa in sumcaddoodii iyo kalsoonidii ay dadku ku qabeen wax ka soo noqdaan.

Dhanka kale, waddamo dhawr ah oo uu Trump u gacan-qaboobaa ama u sad-burin jiray ayaa la sheegayaa in ay warwarsan yihiin sida Ruushka, Turkiga iyo Sucuudi Carabiya.

Gaar ahaan, waxa la malaynayaa in uu wadnaha farta ku hayo dhaxal-sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan iyadoo uu ka baqayo in uu Biden la yimaado wada-xisaabtan la xidhiidha dilkii foosha xumaa ee Jamal Khaashucji ama ugu yaraan dadka loo soo bandhigo warbixinta sirdoonka ee Trump diiday in la baahiyo, taas oo sida la qiyaasayso shirqoolkii lagu dilay Khaashucji dhabarka u saaraysa Maxamed Bin Salmaan.

Sidoo kale Sucuudigu wuxu ka warwarsan yahay in uu Biden ka joojiyo iibka hubka, kaas oo badankiisa loo adeegsado dagaalka Yemen. Sidoo kale, Biden ayaa intii uu ololaha ku jiray carrabaabay sida uu uga soo hor jeedo dagaalka Yemen, taas oo werwer ku kordhisay Sucuudiga.

Turkigu wuxu ka warwarsan yahay in cumo-qabatayn lagu saaro hubka uu Ruushka ka iibsaday ee S-400 kaas oo waddamada NATO ay u arkaan hub cadow. Wuxu sidoo kale ka warwarsan yahay in uu Biden niyadda u dhiso kooxihii Kurdiyiinta ahaa ee ay cagaha mariyeen. Kurdiyiintaas oo Maraykanka ka saaciday baabiintii jabhaddii ISIS laakiin markii dambe uu Trump kaga baxay heshiiska kuna daawaday Turkiga oo si ba’an u caydhsanaya.

Isku soo xooriyoo, waxay u eg tahay in Maraykanku ku soo noqonayo habmaamulkii lagu yaqaanay iyo diblomaasiyaddii ahayd mid la saadaalin karo saaxiibbaduna isku hallayn karaan. Sidoo kale waxa muuqata in dadka isbeddelkan ku faraxsan ee caalamka ayaa ka tiro badan kuwa ka warwarsan.