Maraykanka oo Shiinaha ku eedeeyay inay jabsadeen baadhitaanka Covid-19

Bandhige:- FBI-da Maraykanka ayaa sheegtay inay aragtay isku dayo jabsi ah oo ka dhan ah kooxaha Maraykanka ee baadhaya tallaallada, daweynta iyo baadhitaannada Covid-19.

Mareykanka ayaa muddo dheer ku eedaynayay dowladda Shiinaha inay adeegsato basaasnimada internetka. Shiinaha ayaa si isdaba joog ah u beeniyay eedeymaha Mareykanka ee ku saabsan basaasnimada internetka.

In ka badan 4.3 milyan oo ku nool daafaha dunida ayaa uu ku dhacay cudurka ‘Covid-19’, iyadoo in ka badan 83,000 ay u dhinteen Mareykanka iyo halka 4,600 u dhimatay Shiinaha, sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins.Horraantii toddobaadkan, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha Zhao Lijian wuxuu yiri: “Waxaan dunida ugu hogaamineynaa baadhitaanka daaweynta iyo baadhista tallaalka ee ‘Covid-19.

Xiisada u dhaxaysa labada dal ee ku saabsan Covid-19 ayaa sii xumaanaysa iyadoo labada dal midba midka kale ku eedeeyay inuu ku guul darreystay xakameynta cudurka.

Bandhige@gmail.com

Il-Wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah