Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa geeriyooday, Madaxweynaha oo tacsiyeeyey

TACSI MADAXWEYNE: 14/09/2021

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 14/09/2021 dalka Turkiga oo uu muddo u joogay Xaalad Caafimaad.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey suldaan dhaqan oo ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ku lahaa dib u dhiskii iyo nabadayntii bulshada Somaliland, kana soo jeeda saldanad facweyn oo taariikh ma guurto ah ku leh Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL

 

 

 

 

 

 

Nasir Yusuf Dahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Line: 518390

https://madaxtooyadajsl.com/

https://somalilandnation.com/

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

https://www.youtube.com/user/nasirnaska/videos