War-saxaafadeed Xarunta Daaraasaadka (CPA): Xaaladda Doorashooyinka Somaliland 

 

Hordhac:

In ka badan 30 jeer oo ay kulamo yeesheen, ayaa xisbiyada Somaliland iyo madaxweynuhu, ay ku guul daraysteen inay xalliyaan khilaafka dhexdooda yaalla, ama marka heshiis la gaadho, aanay suuro-gal noqon inuu sidii lagu heshiiyey u fulo. Xukuumaddu waxay marwalba ku eedanaysaa Xisbiga Waddani inaanu diyaar u ahayn doorasho, iyaga oo sheegaya inay dhinacooda diyaar u yihiin, halka Xisbiga Waddani oo soo qaadanaya tusaalayaal la xidhiidha tallaabooyinka ay xukuumaddu qaadayso, uu ku doodayo in xukuumaddu aanay sinaba diyaar ugu ahayn inay dalka doorasho ka qabato, taas bedelkeedana dalku u sii xuubsiibanayo kelitalisnimo, waa sida uu tilmaamayo Xisbiga Waddani.

July 27th, 2019, ayaa beesha caalamku soo farogelisay, muranka u dhexeeya Xisbiyada iyo Xukuumadda, iyaga oo ku guulaystay inay dhex-dhigaan heshiis xal lagaga gaadhayo, khilaafkii ka taagnaa guddida doorashada, isla markaana jidka u xaadhaya inay Somaliland ka qabsoomaan doorashooyin, heshiiskaas markii la saxeexayey waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha Midawga Yurub u qaabilsan Soomaalia Nicolas Berlanga iyo Madaxa xafiiska UK ay ku leedahay magaalada Hargeisa Stuart Brown. Nasiib darro, heshiiskaasi uma dhaqan gelin sidii loogu heshiiyey, lamana raacin jadwalkii ku xusnaa, mana jirin cid masuuliyad iska saartay. Waxaase markale lagu noqday, murankii guddida doorashada, iyaga oo ay hareer socdeen tallaabooyin, sii fogaynayey in doorashooyinku ay Somaliland ka qabsoomaan sannadka 2020.

Sidoo kale Golayaasha deegaanka ee haatan xilka haya, wuxuu wakhtigoodii dhamaaday April 29, 2019. Tan iyo xilligaas ma jirto sharciyad ay ku shaqeeyaan, arrintaasina waxay noqonaysaa cashar kale oo ay siyaasiyiinta Somaliland ka baranayaan, in marka wakhtigoodu dhamaado ay kuraasta iska sii joogi karaan, si la mida casharka Somaliland ay ku soo kordhisay dimoqraadiyadda ee ah, in marka xilku ka dhamaado masuuliyiinta la doorto inay kuraasta ku sii joogaan muddo kordhin.

Ugu dambayn, waxaa la magcaabay guddi doorasho oo markale lagu muransan yahay, waxaana Golaha Guurtidu ay muddo laba sano ah u kordhiyeen golaha Wakiillada halka muddo xilleedkoodana ay Golaha Guurtidu ku darsadeen laba sano oo kale, tallaabadaas oo ka hor-imanaysa, soo jeedintii farsamo ee guddida doorashadu hore u sheegeen inay doorashooyinka ku qaban karaan muddo 10 bilood ah. Golaha Guurtida ayaa 17-kii sano ee ugu dambeeyey sameeyey in ka badan 30 jeer oo muddo kordhin ah, oo ay u sameeyeen Golayaasha Baarlamaanka, Deegaanka iyo Madaxweynayaashii hore. Golaha Guurtida ee haatan fadhiya ayaa la soo xulay sannadkii 1997 iyaga oo muddo xileedkoodu ku ekaa sannadkii 2003, hase ahaatee waxay tan iyo xilligaas ku joogeen muddo kordhin soo noqnoqota. Nasiib darro golihii Guurtida ee la soo xulay sannadkii 1997, waxaa haatan golaha ka jooga in ka yar 10 xubnood, halka ay cusub yihiin in ka badan 72 xubnood. Waxaana dood sharciyeed ay ka taagan tahay habka loo buuxiyey xubnaha cusub ee golahaas ku biiray, kuwaas oo qaarkood aanayba gaadhin da’da ku xusan dastuurka dalka.

27th November 2019, Qoraal ka soo baxay dalalka la saaxiibka ah Somaliland, Qaramada Midoobay, IGAD iyo Midawga Yurub ayay walaac kaga muujiyeen, muddo kordhinta golayaasha sharci-dejinta ee Somaliland, muranka guddida doorashooyinka iyo tallaabooyinka ka dhanka ah xoriyadda hadalka. Dalalkan ayaa ah kuwa Somaliland ka taageera arrimaha horumarka, nabadgelyada, dimoqraadiyadda, gargaarka bini’aadanimo iyo fududaynta wada-shaqaynta ay Somaliland la leedahay wadamada caalamka. Waana fariin culayskeeda leh marka la eego dalalka soo saaray qoraalka, kuwaas oo talooyin u soo jeediyey siyaasiyiinta iyo madaxda Somaliland, oo haddii aan si miisaaman loo dhegeysan, ay dhacayso inay saamayn xooggan ku yeelan karto, nolosha bulshada iyo xidhiidhka Somaliland ay la leedahay wadamada debedda.

Xarunta Daraasaadka Center for Policy Analysis.

cpa.hornofafrica@gmail.com

Warbixinta oo faahfaahsan, fadlan lifaaqa kala deg.