Wariyaha Idaacadda Qaramada Midoobay Uga Warama Hargaysa Oo La Xidhay, Iyo Ururka Suxufiyiinta Somaliland Oo Kasoo Horjeestay

War-saxaafadeed: xadhiga Wariye Ilyaas Cabdi Cali

Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), waxa uu si adag uga soo horjeedaa xadhiga ay xukuumadda Somaliland kula kacday wariye Ilyaas Cabdi Cali oo ah wariye Madax banaan isla markaa hargeysa uga warama Idaacadda Qaramada Midoobay ee Ergo.

Wariye Ilyaas Cabdi Cali waxay ciidamadda Booliiska Somaliland ka qabteen meel u dhaw xaafadda uu degan yahay, waxaanay u taxaabeen xarunta Danbi baadhista(C.I.D)-da isla xalayba, iyagoo saaka horgeeyay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex.

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa isla maanta Wariye Ilyaas Cabdi Cali u jartay Rumaan toddoba cisho ah oo xabsi ku hayn ah, inta Eediisa la horkeenayo Maxkamadda.

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu u arkaa xadhigaasi mid ka hor imanaya xorriyadda hadalka iyo madax banaanida saxaafadda ee ay damaanad qaadeen Dastuurka Dalka iyo Xeerka Saxaafadda xeer N0:27/2004.

Inkasta oo aanay booliisku maxkamadda wali horkeenin Eedayn rasmi ah hadana Ururka SOLJA waxa uu u arkaa eedaha hordhaca ah ee ay Booliisku usoo gudbiyeen maxkamadda kuwo ay ku xalaalaysanayaan inay xabsiga ku hayaan inta ay Eed rasmi ah keenayaan.

Ilyaas Cabdi Cali iyo Suxufiyiinta Somaliland waxay Isha ku hayaan talaabo kasta oo lagu waxyeelaynayo Suxufiyiinta Somaliland iyo kuwa Qalaad ee Xeerka Saxaafaddu u ogolaanayo inay dalka Somaliland uga shaqaystaan si waafaqsan Xeerka Saxaafadda, wax danbi ah oo lagu mutaysan karo in la iftiimiyo talaabo kasta oo dacwadahooda lagu majarahabaabinayaana ma jirto.

Xadhiga Mulkiilaha Telefishanka Astaan Cabdi Manaan-na waa mid Qaranka iyo dunidu oo dhami-ba u dhegtaagayaan, isla markaana diiradda ku saarayaan nidaamka loo maray bilow illaa dhamaad si loo xaqiijiyo inuu maray nidaam cadaaladeed, dhib-na kuma jirto inay suxufiyiintu soo bandhigaan halka uu marayo inta laga gaadhayo dhagaysiga rasmiga ah ee dacwadaas iyo go’aamadda(Qaraaradda) ka soo baxa kuwaas oo uu xeerka saxaafaddu cadeeyay qaabka looga waramayo.

Ururka SOLJA, waxa uu hay’addaha Garsoorka ugu baaqayaa inay joojiyaan inay Xukuumadda u xalaaleeyaan in suxufiyiinta xabsiga loogu sii hayo muddada ay doonaan, anagoo u aragna talaabo lagu ciqaabayo suxufiyiinta oo loo baahan yahay in loogu garnaqo si cadaalad ah, isla markaana suxufiyiinta loo ogolaado iyagoo xor ah inay iska difaacaan Eedaha loo soo jeedinayo.

Ururka SOLJA uma arko in suxufi la dacweeyo, hase yeeshee wuxuu u arkaa cabudhin iyo cabsi galin iyadoo aanay jirin Eed laga garnaqay oo ay maxkamaddu ka soo saartay go’aan lagu mutaysan karo xadhig iyo Ganaax.

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland(SOLJA)

Bandhige@gmail.com