Wasiirka warfaafinta oo booqasho ku tagay suuqa Gobonimo ee magaalada Hargeysa

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyada Somaliland Md, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo u kuurgalay xaaladda suuqa Gobonimo ee magaalada Hargesay.

 

Booqashadan wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelintu uu ku tagay suuqa gobonimo ayaa daaranayd inuu u kuur galo xaalada dhaqdhaqaaqa suuqaas iyo inuu indha indheeyo sida ay dadku u qaateen wacyigelinta ku saabsan xannuunka karoona fayras, iyadoo lagu gudo jiro u diyaar garawga ciidal fidriga.

 

Ugu horayn waxa halkaas wasiirka warbixin ku siiyey xubno ka mid ah ganasatada suuqaas, iyagoo sheegay inay hirgaliyeen amaradii ay soo saareen guddida u diyaar garawga iyo ka hortaga xannuunka koofhidh-19, waxayna intaas ku dareen in dhaqdhaqaaqa suuqu uu aad u wanaagsan yahay.

 

Dhankiisana wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (koore) oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in dadku ay qaataan fariimaha iyo awaamiirta wacyigelineedd ee ka iminaya wasaaradda horumarinta caafimaadka, isla markaana dadku ay ku dedaalaan inay kala fogaadaan marka ay wax iibsanayaan oo ay masuuliyad iska saaraan kuwa wax iibninaya iyo kuwa iibsanayaaba si loo ilaaliyo badqabka bulshada.

Xigasho: SOLNA