Xukuumadda Somaliland oo ku dhawaaqday inay xidhayso dhamaan xuduudaha dhuleed ee dalkeeda

Xukuumadda Somaliland oo shaacisay inay maalinta berri ah xidhayso dhamaan xuduudaha dhuleed ee Jamhuurida Somaliland.

Go’aankan ayaa imanaya kadib markii cudurka coronovirusku aad ugu fidayo dhamaan dunida caalamka.

War-saxaafadeed ay maanta soo saareen gudida heer qaran ee u diyaar garowga iyo ka hortaga xanuunka coronovirus oo soo gaadhay Bandhige ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

Laga bilaabo maalinta berri, Waxa aanu xidhnay dhamaan Xuduudaha dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland, mana jiraan wax isku gudbayaa, marka laga reebo Cuntada, Daawooyinka, Agabka Caafimaadka, Shidaalka, iyo badeecadaha ganacsiga, iyada oo ay mamnuuc tahay in dalka Daawo dibadda looga saaro.

Sidoo kale, Dhamaan Rakaabka la socda Diyaaradaha imanaya Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku khasbanaan doonaan in la Karantiimeeyo muddo 14 Maalmood ah oo ay kharashka iyagu isku qabaan.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda waxa aanu faraynaa inay shaqaalaha dawladda ee laga maarmi karo u fasaxdo inay guryahooda ku shaqeeyaan, marka laga reebo Hawl-wadeenada wasaaradaha Caafimaadka, Warfaafinta, Horumarinta Maaliyadda, Shaqaalaha Garoomada Diyaaraha, Dekadda Berbera, Bangiga, Waddada Ceerigaabo shaqaalaha Dawladaha hoose ee dalka.