Wax ka baro taariikhda Koobka Qaramada Afrika ee ka socda Gaaboon. Q.3aad W/Q Maxamed Jaamac Meygaag (Action)

 

  1. Guinea-Bissau

Xulkan Kubadda Cagta ee Guinae-Bissau wali kamay soo qeyb-galin tartanka Qaramada Afrika oo waa markii ugu horeysay

-Laacibka ugu caansan ee xulka qaranka Guinae-Bissau waa Francisco Junior oo khadka dhexe uga ciyaara naadiga Strømsgodset Toppfotball oo ka dhisan dalka Norway

 

  1. Mali

Xulka Kubadda Cagta ee Qaranka Mali waxay ka soo qeyb-galeen tartankan Qaramada Afrika 9 jeer

-1972, 1994, 2002, 2004, 2008, 2010, 2012, 2013, 2015.

-Xulka Qaranka ee Mali wuxuu tartanka Qaramada Afrika ka gaadhay kulanka kama-damaysta ah sanadkii 1972 halkaas oo lagaga guulaystay koobka.

-Laacibka ugu caansan ee la socda xulka qaranka Mali waa Adama Troare oo khadka dhexe uga ciyaara kooxda Middlesbrough ee dalka England

  1. Morocco

Xulka Kubadda Cagta ee Marocco waxay tartankan Qaramada Afrika ka soo qeyb galeen 15 jeer

-1972, 1976, 1978, 1980, 1986, 1988, 1992, 1998, 2000, 2002, 2004, 2006, 2008, 2012, 2013

-Xulka Qaranka Marocco waxay tartankan Qaramada Afrika ku guuleysteen sanadkii 1976kii

-Laacibka ugu caansan ee xulka qaranka Marocco waa Mehdi Benatia oo ka tirsan kooxda Jarmalka ka dhisan ee Bayern Munich imikana ugu maqan amaah kooxda Juventus ee ka dhisan dalka Talyaaniga

  1. Côte d’Ivoire

Xulka kubadda cagta ee Côte d’Ivoire wuxuu tartanka Qaramada Afrika ka soo qeyb galay 21 jeer

-1965, 1968, 1970, 1974, 1980, 1984, 1986, 1988, 1990, 1992, 1994, 1996, 1998, 2000, 2002, 2006, 2008, 2010, 2012, 2013, 2015.

-Xulka Qaranka ee Côte d’Ivoire waxay tartankan xulalka Afrika ku guulaysteen 1992 iyo 2015

Laacibka ugu caansan ee u ciyaara xulka qaranka Cote d’lvoire Eric Bertrand Bailly oo difaaca uga ciyaara kooxda Manchester United ee Dalka England

 

La soco……

Waxaa Turjumay: Maxamed Jaamac Meygaag (Action)

Waxaan ka soo xigtay: hihi2.com