“Degenaanshiyo iyo nabada oo lagu gaadho horumar, waxa lagu helaa raacida kitaabka Alle…”Sheekh Mustafe X. Ismaaciil

 

Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil ayaa sheegay inaan degenaansho iyo nabadgelyo la helayn hadii kitaabka Alle laga tago, bulshada ugu baaqay hadii ay doonayaan degenaanshiyo iyo nabad inay kitaabka Alle raacaan.

Khudbadii Jimcaha maanta oo Sheekh Mustafe kaga hadlayey sida lagu helo nabada ayaa yidhi, “Ilaahay SW waxuu kitaabkiisa ku tilmaamayaa reer Nabi Aadanow, hadii ay idiin yimaadaan Rusul, xagayga ka socota, oo idiinka mid ah, oo idiinka waramaan aayaadkayga SW, kuwii Ilaahay SW ka cabsada, ee qaata waxay Rusushu ula timi, ee suubanaada (hagaagsanaada) oo acmaashiisa wanaajiya, tiiraanyo iyo baqe-toona korkooda ma ahaanin” ayuu Ilaahay SW yidhi.

Bani’aadamka mushkilada ugu badan ee dunnida ku qabsada waxa ka mid ah baqe iyo werwer, Ilaahay SW aayado dhowr iyo toban gaadhaya ayuu ku tilmaamay waxyaalada kaxeeya werwerka iyo baqdinta.

Qumanidu kitaabka Alle ayey ku jirtaa bani’aadamku markuu ka tago laba mid ayuu maraa, mid ah fawdo, dadku inaanay yeelan nidaam iyo kala dambayn ama duqyaan, diktaytar, kuwo kibray inay dadka maamulaan, dabadeed dadki xoriyadoodii waayaan, oo baqe iyo cabsi ku abuurta.

 Ummada waxuu qof walba nabada dareemaa markuu raaco kitaabka Alle. Degenaanshiyaha iyo nabada oo lagu gaadho horumarka iyo xadaaradda bani’aadamka, waxa lagu helaa raacida kitaabka Alle. Dadka oo nabad iyo amni waaya waa jidka dib-u-dhaca noolahu maro.

Sheekh Mustafe ayaa sheegay in Ilaahay SW inoo tilmaamayo in nabada iyo amniga kitaabkiisa laga helo “kuwii raaca jidkayaga, werwer iyo baqe uma sugnaan”

Sheekh Mustafe ayaa sheegay in qofka maamulka ummada haya haduu cadaaladda ka tago degenaanshaha la waayayo, waxaanu yidhi, “Hadii maalinba aynu nidhaahno waa maalintayadii, oo maalinba reer ha boobo, dabadeedna reerkaasi gar iyo gardaro difaac ugu jiro in ninkoodu meesha fadhiyo?  Hadii sidaasi dhacdo ummadu ma guulaysanayso.

Sheekh Mustafe ugu baaqay inta wax qorta ee warbaahinta ku jirta inay Ilaahay ka baqato, waayo warbaahintu waa waxa roga. Beenta badan ee la faafinayo, wararka aan la hubin ee la akhrinayo, waa waxa ummadaha halaaga.

Iclaamka hal tusaale haddaynu ka bixino waxuu samayn karo Nebi Muxummed NNKH, oo amiin loo yaqaanay intaan diintu ku soo deign, iyo intuu waxyigu ku soo degayba caan ku ahaa, ayaa qabiilkii Quraysh ku tashatay inay war ka faafiyaan. Warku waa maxay? Inuu nin waalan yahay, ka dibna dacaayadaas ayey faafiyeen?

Saxaabi Damaam la yidhaahdo ayaa waxuu leeyahay, ‘magaalada Maka ayaan soo galay, dadka magaalada dibedeeda ayaa loogu sheegayey dacaayada Nabiga NNKH la faafinayey ninba magaalada jooga dadka sixree, iska ilaali’ siday warkii iigu wadeen ayaan markii dambe is-idhi malaa ninku wuu xanuunsanayaaye, isku dey inaad daweyso?

Nabi Muxummed NNKH ayaan u imi? kuna idhi “Waxoogaa Ayaan ku tufa dadka madaxa looga jiree, Ma kugu tufa?   Dabadeed markaa ayuu Nabigu NNKH ila hadlay, ka dib ayaan ogaaday in ninka sidaa u hadlaya ahayn nin waalan, oo islaamay!

Marka hdii Nabi Muxammed NNKH inta dad u shiro hadii la odhan karo wuu waalan yahay? Oo dadka laga dhaadhicin karo, inteena kalena inaynu waalan nahay waa la innaga dhaadhicin karaa? Markaa warbaahintu inay dadka fasaadiso ama kheyr ka shaqeynayo farista wanaaga, iyo reebitaanka xumaanta, quraanku in badan ayuu ka hadlayaa waxaanu ku tilmaamay inay yihiin waxyaabaha keensada in nabad iyo degenaansho la helo.

Sheekh Mustafe ayaa sheegay in ummadu keliya wanaagsanaan karto marka kitaabka Ilaahay SW ay raacaan. Dad badan oo ummadeena ka tirsan ayaa aaminsan haddaynu kitaabka raacno inaynu lumayno? Oo gaaladu inna maagayso? ama la guulaysan waayo, shaki baa ku jira? Hadday taasi timaadana iimaankeena dib loogu noqonayaa? Bal caqiidadeena iyo waxaynu rumaysan nahay inay sax yihiin iyo inkale? baa imanaysa.

Hadii aynu Ilaahay SW ka doorano guddi bani’aadam ah oo inta meel la fadhiisiyey la yidhi wax bay inoo qorayaan, wadaad iyo wabiin qolada ay doonaan ha noqdaane? Waar ma bani’aadam ayeynu dhinac dhigayna Ilaahay SW!

Waxa qoray: Maxamuud Wallaaleeye