Madaxweyne muusow laba uun yeel waad guulaysane (WQ: Cabdi Caawiye)

 

Sida ay xaqiiqadu tahay wadankeena waxa ragaadiyey rag dhuuni raaca oo kii la doortaba toban oday intay usoo kaxaystaan xil ka baadha iyagoo ku gabanaaya odayaasha hilib geelka loo qaado goaankooda ku badala.

Waxa marag ma doonto ah in madaxweynaha la doortay uu yahay nin adadag oo aan nin wax qaloocinaaya cidi usgageed aan amaahinayn ama ku dhaafayn  waxaana hubaala in aanu dhaafayn dhurwaa aan waxba qaban oo raqda loo keena uun dul fadhiista.

Markaan usoo gondodago  mawduuca ama maqaalkayga waxaan odhan lahaa madaxweynaha cusub maxaweyne hadii aad la timaado laba arrin waad guuleysan waana run.

  1. Xal u helida maceeshda iyo xisir bararka
  2. Kala dambayntii dawladnimo

Xal u helida maceeshda iyo sicir bararka

Muraayada ugu horeysa ee bulshada ku dooratay ay u arki karto inaad waxqabatay iyo in kale waa waxa ugu weyn ee kurbada ku haysa oo aad wax ka taabato ama ka qabato waana meecashada iyo sicir bararka xadhkaha goostay.

Manta xaalada danyartu waxay maraysaa SOS oo macnaheedu yahay bal naftu uun ha noolaato xarago iyo hoy ay gashaa waa yeelkeede, hadii aad taa wax ka qabato oo aad danyarta danheeda eegto waad guuleysan.

Bal tusaale ahaan in la baqtiyey waxaa kuu cadeynaysa ninka musharada dawlada GRADE A ku qaataa  waa 1000000 SLSH hal milyan manta ma aha xitaa 100 DOLLAR.

Maqsinka kaliya kiradiisu waa 60 dollar

Hadii uu qofku is yidhaahdo laba qol caruurta gali waa 120 DOLLAR mushaharkiisuna waa 96 DOLLAR marka laga dhigo DOLLAR.

Hadddaba maxaa lagu xalinkaraa

lacagta Somaliland oo dib loo daabaco 50 shilin 100 shilin

Waayo maanta xabada makiinad ahi waxay maraysaa 500 oo shilin markii horena waxay ahayd 100 shilin markii la waayey 100 kii shilin ayaa waxa khasab noqotay wax kasta oo qiimahoodu u dhaxeeyey 100-400 oo shilin qiimahoodii wuxuu noqday 500 oo shilin waxayna taasi kow ka ahayd sicir bararka xadhkaha goostay.

Lasoco …………..