= Puntland ilaa aasaaskeedii waxa ay Copy-garanaysay Soomaalilaan. Waxa aan xusuustaa sannadkii 2007-dii ayuu Wasiirkii Maaliyadda ee Puntland uu Baarlamaankiis u qaybiyey qoraal ahaa siyaasadda maaliyadda Puntland, kaasi oo laga qaatay Soomaalilaan. Bogog dhan ayuu magaca Soomaalilaan ku qornaa. Baarlamaankii ayaa ku qayliyey, markay arkeen.
= Si ay culays iyo cadaadis u saarto xukuumadda Xasan Sheekh, waxa ay wefti u dirtay Itoobiya oo heshiis ayey la galeen. Waa sidii ay Soomaalilaan hore u samaysay.
= Madaxweynaha Puntland wuxuu dhawaan u bixi doonaa dalka Imaraadka Carabta, sida ay tebisay warbaahinta Puntland. Wuxuu heshiisyo cusub la soo geli doonaan madaxda dalkaasi. Imaaraadka iyo Itoobiya waa laba dal oo aanay isku fiicnayn Xukuumadda Xasan Sheekh.
= Waxa kale oo dhawaan laga yaabaa inay dhinacaa iyo Taywaan u kacdo, si ay u kordhiso dagaalka ay kula jirto Xasan Sheekh.
Top of Form