Macnaha ereyga Dementia waxa uu u dhawyahay afka Soomaaliga ereyga asaasaq waana erey fasiraado badan la saaro, siyaabo kala duwanna loo qeexo. Waxa macnihiisa soo hoos gala astaamo gabawga la xidhiidha oo aad u tiro badan. Dementia (Dhimenshiya) ma aha xanuun iskii u taagan ee waa khalkhal maskaxeed oo ay keenaan sababto aad u badan.
๐จ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐
๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐
:
1. Xasuusta oo guurta- gaar ahaan xasuusta mudadda dhow.
2. Xalinta mushkiladaha iyo sababaynta oo adkaata
3. Dawakhaad, dayaw, Jiho-wareer, iyo dhama’, ismoodsiin badan iyo hubanti la’aan.
4. Ereyo badan oo muhiim ah oo luma, iyo hadalka oo taabiya, isku dhex yaac isla markaana macno samayn waaya.
5. Shakhsiyada qofka oo is bedesha- waxa uu noqdaa, gaar ahaan mudda hore, qof shakisan, fir-ka naxsan, kalsoonidii ka luntay oo inta badan isagu isku foogan. Xiliyada danbe waxa uu dayaa in nidaamintii, xaragadii, nadaafadii, iyo noloshii qaayaha lahayd oo dhan.
Xanuunada ugu caansan ee asaasaqa (Dementia) keena waxa ka mid ah ๐จ๐๐๐๐๐๐๐๐โ๐ ๐
๐๐๐๐๐๐, ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐
๐๐๐๐๐๐๐, ๐ณ๐๐๐ ๐๐๐
๐ ๐
๐๐๐๐๐๐๐, ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐
๐๐๐๐๐๐๐.
“๐๐ข๐ค๐ข๐บ๐ญ๐ฌ๐ถ ๐ธ๐ข๐ข ๐ฅ๐ข๐ณ๐ฆ๐ฆ๐ฏ๐ฌ๐ข ๐ฌ๐ฆ๐ญ๐ช ๐ข๐ฉ ๐ฆ๐ฆ ๐ข๐ข๐ฏ ๐น๐ถ๐ด๐ถ๐ถ๐ด๐ต๐ข ๐ฌ๐ข ๐จ๐ถ๐ถ๐ณ๐ช๐ฏ; ๐ฉ๐ข๐ฅ๐ฅ๐ช๐ช ๐ธ๐ข๐ซ๐ช๐บ๐ข๐ฅ๐ข ๐ญ๐ข ๐น๐ข๐ด๐ถ๐ถ๐ด๐ข๐ฏ ๐ธ๐ข๐ข๐บ๐ฐ, ๐ฅ๐ข๐ณ๐ฆ๐ฆ๐ฏ๐ฌ๐ช๐ช๐ด๐ถ ๐ฒ๐ข๐ญ๐ฃ๐ช๐จ๐ข ๐ข๐บ๐ถ๐ถ ๐ฌ๐ถ ๐น๐ข๐ณ๐ฅ๐ฉ๐ข๐ฏ ๐บ๐ข๐ฉ๐ข๐บ”
๐ด๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐?
Ma jirto cid damaanad qaadaysa in aad asaasaq ka badbaadayso haddii cimrigaagu dheeraado, laakiin waxa la leeyahay waxa jira arimo haddii aad nolosha ku dabaqdo, laga yaabo in aad ka hortagto ama dib u dhigto asaasaqa. Waxaa ka mid ah jimicsi joogto ah, cunto isku miisaaman oo sonkortu ku yar tahay, xakamaynta miisaanka, iska ilaalinta nabaradda madaxa (avoiding head injuries), yaraynta dhikhawga hawada (minimizing air pollution), joojinta qiijinta sigaarka iyo cabidda maan dooriyeyaasha, caafimaadka wadnaha iyo xirfad/aqoon sarraysa oo la barto.
Saamaynta Dementia kuma koobna qofka ay noloshiisa kala daadisay, balse waxay u gudubtaa oo culays nafsiyadeed, dhaqaale, caafimaad iyo hab-nololeedba saartaa ehelkiisa, bulshada iyo guud ahaan wadanka oo dhan. Waa in wacyi gelinteeda iyo maaraynteeda aynu faafino si culayska looga khafiifiyo inta mudanta ah ee uu haleelay iyo inta daryeesha.
Qore:Dr:Abdikarim.D.Hassan
Bandhige@gmail.com