marka laga tago faa’iidada diblomaasiyadeed ee arintaasi Soamaalilaan u leedahay, waxaad dareenka bulshada ka dhex arkaysaa laba xaqiiqo:
1. Waxay tilmaamaysaa rajada aadka u yar ee bulshada Soomaalilaan ka qabto in Madaxdoodu xaqiijin karaan riyada dawladnimo; kalnoonida ay u hayaan kartida madaxda iyo daacadnimadooduba aad u ayay u liidataa. Sidaa darteed, keliya in midkood madal caalami ah fadhiisto oo Soomaalilaan kaga sheekeeyo ayay bulshadu la muraaqoonaysaa oo dhacadiidka u riday
2. Waxay tilmaamaysaa waxa ugu mudan ee reer Soomaalilaan madaxda ka rabaan inay tahay dawladnimo dhab ah oo aduunka ka tirsan oo ay kaga baxaan “caalamu barsakha” ay mudadda dheer ku abaadeen. Adeeg kasta oo kale oo ay u baahan yihiin waxa uga horeeya inay dawlad la qoonsan yahay noqdaan.
Waxaan rajaynayaa in mudanta koowaad ee bulshada Madaxwaynuhu ogyahay oo aan jiheeyuhu ka leexan. Ha ka digtoonaado in lagu mashquuliyo meelo soke oo isha iyo dareenka bulshadu dhaafsan yihiin. Midda labaad, waxaan rajaynaaa in Madaxwayne Ciro kor u sii qaado kalsoonidda bulshadu u hayso Madaxda oo mudo badan dhul yaal ka ahaa.
Qore:Dr:Abdikarim.D.Hassan
bandhige@gmail.com