= Hore waxa ay isku hayeen ururka Al-Shabaab, dagaallo badana way ku wada jiraan ilaa hadda. Welina kamuu guulaysan, oo isaga ayaaba dhul badan dib looga qabsaday.
= Soomaalilaan ayuu ku xigsiiyey inuu la galo dagaal dublamaasiyadeed, oo ka dhashay heshiiskii Itoobiya iyo Soomaalilaan wada galeen. Wuu ku guuldaraystay, oo faro madhan ayuu ka taagan yahay.
= Puntland ayuu ku saddexeeyey, waana dagaalka imika cusub ee socda. Wuxuu shalay ka qaaday wasiirkii arrimaha dibadda ee ay dawladiisa ku lahaayeen, si aanu sirta arrimaha dibadda ugu gudbin Puntland.
= Dhawaan waxaad filataa inuu Madaxweyne Lafta-Gareen uu Diis Ababa iska xaadiriyo. Waayo saddexda gobol ee ay Koonfur galbeed ka kooban tahay waxa gacanta ku hayo ciidanka Itoobiya. Haddii ay ka baxaan Al Shabaab madaxtooyada ayey ku gowrici Lafta-Gareen.