Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL, oo Bulshada Ku Hanbalyeeyay Xuska Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18-ka May

Hargaysa (Dawan) Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa bulshada Somaliland ku hambalyeeyay xuska maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May, waxaanu ugu bushareeyay inay nabad ku ciidaan oo ay ku dabaaldagaan.

Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland ayaa bulshada ka codsaday inay qadariyaan maalintani isla markaasina si wayn u xusaan maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May.

Sidoo kale gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Xildhibaanada golaha ku booriyay inay bulshada kala qayb galaan waynayta maalinta Qaran ee 18 May oo ah maalin ku wayn shucuubta Somaliland, oo ay ku soo xusaan gobollada iyo degmooyinka dalka.

Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland oo bulshada ku hambalyaynaya xuska maalinta Qaran ee 18 May ayaa waxa uu yidhi

“18 May waa maalintii Qaranka, maalinta Qaranka ka qayb galka ka sokow, ummadda waxa aynu ku hambalyaynaynaa in maalinta Qaranka sifiican loo ciido, loona qadariyo sidaasi ayaynu dadwaynaha ka codsanaynaa.

Xaqu waan in la tago gobollada, 18 May ninkii tagaya gobolkii uu ka yimi ama mid kaleba kaga qayb galaya waa inta loo baahan yahay intaynu halkan wada fadhiyi lahayn markaa kaa waa idinku bogaadinaynaa”.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com