Guddoomiyaha Baanka Dhaxe oo ka hadlay Ahmiyada Qaranka uu u Leeyahay Xeerka Rahanka Hantida Ma,guurtada ah

Hargeysa( Dawan):-Guddoomiyaha Baanka dhaxe ee Somaliland Eng Cali Cabdilaahi Daahir ayaa ka hadlay ahmiyada qaranka uu u leeyahay Xeerka rahanka hantida maguurtada bangiyada oo hor yalla Golaha Wakiilada.

Cali Cabdilaahi Daahir oo shalay kulan la qaatay gudida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada ayaa sheegay inay sharaxaad ka siiyeen gudida muhiimada xeerka rahanka hantida ma guurtada ah ee babgiyada uu u leeyahay kobaca Ganacsiga,

Cali Cabdilaahi Daahir oo Arimhaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waxa aanu Golaha Wakiilada u nimid Xeerka rahanka bangiyada oo hor yaalla Golaha Wakiilada,oo aanu u sharaxno ahmiyada xeerkaasi u leeyahay qaranka iyo kobaca Ganacsiga guud ahaan,waa xeer uu soo curiyay Baanka dhexe oo Golaha Wasiirada ka soo gudbay.imikana hor yaalla Baarlamaanka,muhiimad gaara ayuu inoo leeyahay Xeerkani qaran ahaan iyo bulshada iyo hay,adaha Maaliyadeed. waxaanu fududaynayaa Ganacsiga iyo maalgashiga oo qofka muwaadinka ah ee hantida maguurtada lihi hantidiisa dayn maalgashiya kaga qaato bangiyada,hadii lacagtaasi usoo noqon waydo bangiyaduna ay xaraashi karaan hantida maguurtada ah ee cidda daynta qaadatay in badan ayaana la sugayay xeerkan,”.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com