12 Arriimood oo keeni kara in wax Akhriskaagu Yaraado Qaybtii 5aad (WQ: Mubarak Hadi)

FG: HADDII AAD MAQAALAKAN KOOBAN DHAMMAYN KARI WAYDO, ADIGUU KAA HADLAYAA!

Arrinta toddobaad ee keeni karta in akhriskaagu yaraado, waxa weeye badshada baraha bulshada (social media). Siyaabooyin fara badan buu baraha bulshadu akhriskaaga u saamayn karaa, laakiin arrinta muhiimka ah ee aan jeclahay in aan qodobkan ku xuso waxa weeye, saamaynta ay ku yeelan karto dulqaadkaaga kolka aad is tidhaahdo 30 daqiiqo ama saacad buug meel la fadhiiso adigoon eegin

tuwitarkaaga, instagaraamkaaga ama boostiyada ku qoran gidaarka faysbuuggaaga.

Saynisyannadu waxay leeyihiin, qofka badsada akhrinta boostiyada (posts), gaar ahaan jumaladaha lagu soo qoro faysbuugga iyo tuwitarka, waxaa yaraada dulqaadka uu u yeelan karo in uu akhriyo maqaallada – buugtana isakaba daa warkooda. Sababtuna waxa weeye, qofku mar wal oo uu ka gun-dhaadho ogaanshaha wax ka doohsoonaa oo uu doonayay in uu ogaado, ama helo mucda iyo macnaha xog ka qarsoonayd, maskaxdiisu waxay sii daysaa dheecaan doobamiin (Dopamine) la yidhaahdo, dheecaankaasoo maskaxda u qaabilsan qaybteeda abaal-marinta.

Taa macnaheedu waxa weeye, sida ay maskaxdu dheecaankaa abaal-marinta ah uga helayso akhrinta boostiyada koobkooban ee faysbuugga iyo tuwitarka, uguma helayso akhrinta maqaallada dhaadheer iyo buugta. Haddii uu qofku badsado akhrinta boostiyadaa, wuu qabatimayaa oo mar walba wuxuu doonayaa dareenkaa farxadeed ee uu helayo mar wal oo uu akhriyo boostigaa kooban, sidaasna waxa ku yaraanaya dulqaadkii uu qofku u yeelan lahaa in uu akhriyo maqaal ama buug.

Xal: Isku day in aad nafta bari karayso in ay maalintii dhowr saacadood ka maqnaan karayso baraha bulshada, haddii aad awoodi karaysana maalin gelinkeed ama maalin dhan ka maqnow. Sidoo kale, isku day inaad hawl caajis leh (boring) ku fooganaan karayso muddo saacado ah adigoon maanka ku hayn faysbuugga, tuwitarka, instagaraamka iwm. Kolka aad nafta barto in ay muddo meel fadhiyi karayso iyadoon boostiyada faysbuugga ama tuwitarka kala rogin, markaa uun baad awoodna u yeelan kartaa inaad wax akhriskana u dul-qaadato.

 

La soco qaybta 6-aad.

Sii wadaag (Share) 🙂

Qore: Mubarak Hadi

Y O U T U B E: https://www.youtube.com/user/5486147/videos…

I N S T A G R A M: https://www.instagram.com/mubaarak_hadi/