Beelaha darafyada: ma waxa u dan ah saami-qaybsi ku salaysan xeer-jajab, mise tira-koob iyo xal waara? (WQ: Mustafe Kaydsane)

Saami-qaybsi dhab ah la heli maayo ilaa dadka la tirakoobo mar labaad, kii koowaad waxa laga joogaa 62 sanno. Qofna kuma doodi karo wax qaacidadii 1960 kii ka baxsan ayaan saami xaq ah ku helayaa iyadoo aan tirakoob cusub laqaadin. 1960 kii waxay JSL lahayd gole baarlamaan oo ka kooban 33 kursi( Hargeysa = 7; Burco = 6; Boorame = 5; Ceerigaabo = 5; Laascaanood = 5; Berbera = 5). Qaaciiddadani kumay salaysnayn saami beeleedyo ee sidaad arkayso waa degmooyinkii jiray wakhtigii maxmiyada Ingiriiska.

2005 kii waxa doorashada Baarlamaanka lagu galay kii 1960’kii oo ahaa 33 Kursi X 2.5 = 82 Kursi— qaaciidadaas ayaa lagu fadhiisiyey tirada Baarlamaanka ee hadda inoo fadhiya. Go’aanka maxkamadda Distooriga ahi na wuxu ahaa in doorashada soo socota lagu galo tirakoob dhab ah si loo ogaado tirada kursi kasta iyo goobaha uu yaalo.

Tabashooyinka saami-qaybsiga xaqiiqadiisu waa sidee?

Marka la raaco tiradii kuraasida Baarlamaanka (33 x 2.5 = 82 kursi); waxa ku dulman oo kuraasi tiro kala badh ku dhawi ka maqantahay Sanaag Bari iyo Sool Bari.

Halka Awdal saamigoodu yahay 12 kursi ayaa haddana 1 kursi looga soo jaray Berbera, hadda waxay ku fadhiyaan 13 kursi. Intaa waxa dheer waliba iyadoo ay kuraasida qaar qaaddaceen labadii beelood midkood oo beesha kale na ay sidaas ku fadhido 4 kursi oo dheeraad ah.

Sidaas darteed beelaha darafyada marka loo hal-beego saamigii kuraastooda ee 1960 saami isku mid ahi kama maqna. Bilcakis, beeshii 60 kii lahayd kursiga labaad ee siyaasiga ah ayaa shirkii Boorame ka maagtay in ay kaalintaa fadhiisato, markaas ayey beesha Awdal ee 1’aad ka faa’iidaysatay oo ay mudo 25 sanno ah ku tahay madaxweyne ku xigeen.

Mar haddii xeer jabjabka la raacay uu ku salaysanyahay 1960 kii isla markaana lagu guulaysan waayay in la qaado tira-koob, way adagtahay sida looga guuro kan 2005 lagu galay doorashada gollaha baarlamaanka.

Halkee laga samayn karaa saami-qaybsi degdeg ah?

Gollaha Guurtiga ama aqalka sare ee Baarlamaanku wuxu u dheelisanyahay dhanka Beelaha dhexe. Sida iila macquulsani waa in uu aqalkaasi ku yimaado tiro isleeg oo lixda gobol ka soo baxa, mathalan in laga dhigo 6 x 6 = 36 kursi.

Sidoo kale si kumeelgaadh ah ayaa loo dheeli-tiri karaa golaha wasiirada iyada oo 50% uu noqonayo saamiga beelaha darafyadu, oo maxaa diidaya madaxweynaha qalinkiisa iyo dhiiranaantiisa ayey ku xidhatahay eh. Taa qurux mooyaane waxba kagama nuqsaamayaan JSL.

Calaakulin, afkaaraha arinta saami-qaybsiga xalka looga dooni karaa way badanyihiin waxa na ka mid ah kuwa an kor ku xusay, inta laga gaadhayo xal waara oo ku dhisan nidaam siyaasi ah miisaaman.

Tixraac:

– XEERKA DOORASHADA GOLAHA WAKIILADA JSL

Xeer No. 20-2/2005.

Xal waaraa waa lagama maarmaan