Kulan ay yeesheen shaqaalaha iyo hay’ada y-peer ayaa saaka ka furmay hotel maansoor ee magaalada hargaysa, ujeedadiisu ahayd sidii loosii xoojin lahaa hanaanka shaqo ee ka dhexeeya shqaalaha. Sidoo kale kulanka waxaa lagaga hadlayay oo laga dooday qoshaha 3-da sano ee uu ku shaqayn doono y-peerku.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin kasocda xukuumada Somaliland iyo saraakiil ka socda hay’ada unfpa.
Ugu horayn waxaa kulan ka hadlay oo muhiimada uu leeyahay ka hadlay agaasimaha y-peer maxamed dhamac.
Sidoo kale faadumo muxumed oo kasocotay unfpa ayaa ka hadashay kulankan waxaana hadaladeedi kamid ah:-
“Hay’ada unfpa waa hadayad inta badan aad ugu faraxsan in hawlaha dhalinyarada wax ka qabano, y-peer waa mid ka mid ah hay’adaha wax badan ka qabta arimaha dhalinyarada, waa qolada aanu ku faano ee wax nala qabata iyo wasaarada dhalinyarada Somaliland.”
Maxamed cabdilaahi siciid agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha oo ka hadlay kulanka ayaa waxa uu yidhi:-
“Hay’ada y-peer waxa ay ka mid yihiin hay’adaha xooga saara wax ka qabashada dhalinyarada”