Abuurta Alle (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Way u badan tahay inaan in badan ku mashquulno dhaldhallaalka adduunyo, in yarna waqti qaayo leh ku bixino u fiirsashada abuurka Alle iyo aayadaha ku lammaan. Marka aad si dhab ah wax ugu fiirfiirsato, waxa dhab ah in qalbigaagu ka dhex baxayo dunidan cidhiidhiga ah oo uu tagayo mid kale oo ballaadhan. Haddii aan si dhaw ugu fiirsano dhulkan aan ku dul socono ballaadhkiisa iyo baaxadiisa sow wax inoo kordhi maayaan. Miyaanu aadamaha oo dhan ku filayn, noole iyo dhinteba.
Buuraha waynidooda iyo ballaadhkooda ka waran?  Sida ay u samaysan yihiin iyo amarka ay haystaan ee ah inay halkaasi qotomnaadaan sow wax cajiib ah maaha. Mar haddii dhulka halka aan cagta saarno aynaan awood ku daloolin karin, buurahana dherer ku gaadhi karin, waxaynu madaxa la taagnaa ee iskula qab weynahay sow bilaash maaha.
Beeraha iyo wabiyada Ilaahay arlada dhexdooda inoo sakhiray bal hadeerna dhaado. Iniinta aan arlada ku saydhinayno ee haddana aan dalag ahaan uu goosanaynaa, sow wax inoo sheegi maayaan.
Xoolahan aan dhaqano sow gallad Eebe iyo sakhiraad Alle ma ahin. Neef geel ah oo awoodiisa aan ognahay, haddana toddoba jir aan u dirayno si uu u dabro, ma awood iyo karti aan leenahay baa mise waa hayinimo xagga Alle laga ansixiyey. Ka waran caanaha saafiga ah ee aan xoolaha ka maalno. Halkay ka soo baxeen iyo siday tahay sow wada garan mayno. Cid moog miyaa jirta in caanahaas saafiga ah ee macaan ay ka soo dhex baxeen dhiig iyo dheecaan.
Bal hadda baddaas baaxadda weyn eeg. Dhab u fiiri siday u cartamayso; sida hirarka iyo mawjadaha baddu iskaga daba dhacayaan. Meeqa sanno ayay halkaa uun soo jiiftay iyada oo aan xad gudbayn, marka sidaa amar lagu siiyo maahine. Khayraadka gudaheeda ku dihin bal hadda jaleec. Sow ma yara inta aan ka faa’iidaysanaa. Sow ma koobna inta aan ka manaafacaadsanaa. Marka aan ku safrayno badda guudkeeda  ama diyaarad ku dul marayno ee dhinac walba biyo madaw mooyee aanay ishaadu wax kale qabanayn, sow qalbi wal oo qooqanaa Ilaahay uma soo noqdo.
Marka aan diyaaradaha saaranahay, sidayda oo kale maanta, muuqaalo ashqaraar lehna dhaayuhu arkayaan, maxaa kaga  habboon in nafta la la shawro, wax na loo fiirfiirsado. Markan oo kale muuqaalada naadirka ah iyo mash-hadka Rabbaaniga ah ayaa xadanteeya qalbiyada xusuusinta u oomman.
Sida aan ka daalacday shaashada hortayda taal, diyaaraddu waxay duulaysaa meel dhulka ka saraysa 36 kun oo fuudh. Saacaddii waxay jaraysaa 841 km. Jawiga hawada sare (diyaaradda dibadeedu) wuxuu marayaa -47C. Marka aad daaqada fiirsato, ka dibna aad ku dhaygagto abuurka Ilaahay, jidhiidhico ayaa ku saaqaysa. Hawada xoogga leh ee ay diyaaraddu dhex jibaaxayso iyo muuqaalka la yaabka leh ee daruuraha iyo dhulka inay isla fal galeen dhaayaha ugu muuqda, intuba awoodda Ilaahay ee wax la la simaa aanay jirin ayay ka marag kacayaan.
Jeer kale, mar ay diyaaraddu ka gudubtay ceeryaan roob aad moodo oo aan dhex duulaynay, diyaaradanna waxoogaa ruxan ah ku keenay, jawi kale oo qurux badan ayaa loo baxay. Waa cir saafi ah; falaadhaha qorraxduna toos kuugu soo dhacayaan; hoos markaad fiirsatana waxay dhaayahaagu qabanayaan darruurihii oo aad moodo inay dhulka la siman yihiin. Ilaaha naqshadaasi ashqaraarka leh abuuray ayay wayni iyo awoodi u sugnaatay.
Ilaaha inoo sakhiray haadkan duulayaa inuu bogga ina galiyo ka dibna masaafo dheer- tacab la’ aan – ina la duullo, ayaa xamdinaq inaga mudan.
رَبَّنَا مَا خَلَقْتَ هَٰذَا بَاطِلًا سُبْحَانَكَ فَقِنَا عَذَابَ النَّارِ
Qallinkii. Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
E-mail: abdirahman.adan@gmail.com