Axkaamta xajka iyo cumrada casharka 5aad (WQ: Dr. Abdulqani Beder)

Aadaabta Siyaarada Masjidka Nebiga SCW.

Booqashada masjidka Nebigu waa sunne, salaadda lagu tukadaana waxa ay ka fadli badan tahay kun salaadood oo masaajidda caadiga ah lagu tukado.

Masjidka Nebigu waxa uu ka mid yahay saddexda masjid ee Nebigu sheegay in safar cibaado loo geli karo, waana masjidka Nebiga SCW, Masjidka Xaramka iyo Baytal maqdiska qudus -Alle xorriyaddiisa ha soo celiyo e-.

Qofku marka uu soo gaadho masjidka Nebiga sida aadaabta masaajiddada oo dhan ay tahay waxa sunne ah inuu ducada masaajidda lagu galo akhristo, lugta midigna ku galo oo horreysiiyo, ducadu waa (اللهم صلّ على محمد وسلم، اللهم افتح لي أبواب رحمتك).

Ka dib waxa uu tukanayaa laba rakcadood oo taxiyatal masjid ah, hadday u suuro gasho oo uu ku tukan karo meesha la yidhaahdo ARRAWDA way fiican tahay. Fadli badanina wuu ku soo arooray.

Salaadda ka dib waxa uu booqanayaa qabriga Nebiga SCW iyo labadiisa saaxiib Abuubakar iyo Cumar RC, ka dibna sidan ayuu u salaamayaa Nebiga: (السلام عليك يا رسول الله ورحمته وبركاته).

Ka dib in yar ayuu u dhaqaaqayaa dhinaca midig isagoo salaamaya Abuubakar (السلام عليك يا أبا بكرالصديق ورحمة الله وبركاته).

Ka dibna talaabo kale ayuu sii qaadayaa waxaanu salaamayaa Cumar ibn Khaddaab, isagoo odhanaya: (السلام عليك يا عمر ورحمة الله وبركاته).

Qofka muslimka ah ee ajar doonka ah waxa la gudboon, inuu ku dadaalo sunnada Nebiga SCW, kana fogaado wax kasta oo bidco ah ajar-doonistiisana denbi iyo macsi u rogi kara.

Maddiina mar haddaad gaadhay, meelaha kale ee inaad soo booqataa ay mustaxabka tahay waxa ka mid ah: Xabaalaha Baqiic, Masjidu Quba iyo xabaalaha Shuhadaa Uxud

Alle waxa aanu waydiisanaynaa inuu camalka xajka iyo dhammaan acmaasha wanaagsan ee ku lammaan inoo wada fududeeyo, inaga aqbalo, xujaajta soo nabad celiyo iyagoo denbigoodii la dhaafay, naartana laynaga wada xoreeyo innaga iyo dhammaan axbaabteenna ehel iyo asxaabba leh. Aamiin.

Haddaad khayr noogu ducayso, waxay ka dhigantahay in adigana isla ducadaas malag kuugu duceeyey, naftaada iyo annagaba walaal khayrka ha ka masuugin.