Bulshada iyo dhaqanka (Society and culture), Q.1aad- WQ: Mukhtaar Axmed)

Haddii aynu is nidhaahno qeexa waxa uu dhaqanku yahay, hubaal ma heli doonno hal qeexid oo laysku raaci karo. Ereyga dhaqan badanaa waxa uu macne gaar ah yeesha markuu uu ku dhex jiro maaddooyinka kala duwan ee aqoonta. Haddii lays dhaho qeexa erayga dhaqan oo meel cidlo ah yaala, hubaal ma heli doonno qeexid qudha oo lagu wada qanci karo. Dadka qaarkood dhaqanka waxa ay u yaqaaniin alaabaha la adeegsado sida weelka, dharka, cuntada iyo waxybaabo kale. Kuwo kale ayaa dhaqanka u yaqaana waxa la aaminsan yahay sida xeerarkooda nololeed. Bal haddaba cilmiga barashadu bulshadu ( Sociology) waxa uu dhaqanka u yaqaanaa ?

Dhaqan ( Culture) cilmiga bulshadu waxa uu u yaqaanaa dhammaan afkraaha, aragtiyaha, alaabaha iyo guud ahaan waxa ay bulsho gaar ahi haysato amma ay aamminsan tahay oo qeexaya jiritaankooda. Sidoo kale dhaqan waxa la odhan karaa isku darka waxa la aaminsan yahay, waxa la adeegsado, cuntada la cuno, dharka la xidho, xayawaanka la dhaqdo iyo guud ahaan wax kasta oo bulsho meel deggan  u gaar ah oo ay kaga duwan tahay bulshooyinka kale. Tusaale ahaan bulshada Soomaalidu waxa ay bulshada Itoobiya kaga duwan tahay, dharka la xidho, cuntada la cuno, ciyaaraha iyo fanka iyo waxyaabo kale oo badan.

Dhaqanku waxa uu qaabeeya sida aynu wax u aragno, sida aynu u fikirno,sida uynu u dhaqanno,sida aynu u qiimaynno,sida aynu u hadalno,ururka aynu samaynno,hiddaha aynu haysanno,xeerarka aynu samaysanno,waxa aynu caabudno,waxa aynu cunno, waxa aynu xidhanno, waxa aynu u naqaanno quruxda iyo foolxumada iyo guud ahaan sida aynu adduunkan iyo noloshan u aragno. Dhaqanku waa astaan iyo sifo ay bulsho gaar ahi leedahay oo ay kaga duwan tahay bulshooyinka kale ee adduunka.

Xero edeyganta ( Globalazation) oo ah isku socodka iyo is dhexgelka dadka iyo alaabaha adduunka ayaa waxa uu dagaal baahsan ku qaadan dhaqannada la yaabka leh ee bulshooyinka aduunka. Tiknoolajiyadda iyo ayaa waxa ay sahashay in ay adduunkan ka dhigto hal qol oo lagu wada nool yahay taas oo lumisay waxa ay laba qof amma laba bulsho ku kala duwanaayeen. Tusaale ahaan Badiba waddamada Afkrika oo ay ilbaxnimada iyo aqoontu ku yarayd ayaa waxa ay si dakhso ah u lumiyeen dhaqannadooda gaar ah ka dib markay soo dhex galeen amma ay Iyagu dhex galeen bulshooyin kale taas oo sahashay inay si fudud uga xuub siibtaan dhaqankooda iyo waxa ay gaar u lahaayeen.

Noocyada dhaqanka

Waxa jira noocyo badan oo loo qaybiyo dhaqanka iyadoo loo eegayo waxyaabo kala duwan, haddana si guud aqoonyahannada cilmiga bulshadu waxa u kala qaybiyeen laba qaybood oo kale ah dhaqanka walaxda ah iyo dhaqanka aan walaxda ahayn ( Material And Non-Material Calcure). Dhaqanka walaxda ah waa waxyaabaha dhaqanka ee la taaban karo oo ay ka midka yihiin, dharka, weelk cuntada, dhismayaasha, gaadiidka iyo guud ahaan agabyada kala duwan ee aadamuhu farsameeyay. Halka dhaqanka aaan walaxda ahaynu uu yahay afka amma luuqadda, waxa la aamisan yahay oo ah diin amma khuraafaad  iyo haayadaha bulshada oo noqonaya qaab maamulka iyo xeerarka lagu dhaqo bulshada.

Dhanka kale, dhaqanka waxa loo qaybin karaa mid gudo ah oo ah in hal bulsho oo goob wada deggani ay waxyaaba qaarkood ku kala duwan yihiin iyadoo ay ugu wacan tahay deegaanka ay ku nool yihiin, tusaale ahaan bulshada reer Ceerigaabo waxa ay leeyihiin ciyaar dhaqameed ka duwan ciyaar dhaqammeedda laga adeegsado Hargeysa, sidaas oo kale waxa jirta ciyaar dhaqameedka laga adeegsado Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ka geddisa kan dhamman laga adeegsado geyiga Soomaalida.

Waxa jirta weedh aynu badanaa adeegsano oo ah “ Bilaa dhaqan” sida waxaad tahay bilaa dhaqan ! adeegsi ahaan weedhan waxa aynu ku nidhaahnaa qofka aan innoola dhaqmin qaab wananasgan oo ixtiraam ku jiro. Tani macnaheeda ah in ay jiraan waxyaabo laysku raacsan yahay inay wananasgan tahay samayntoodu kuwaas oo soo hoos gelaya dhaqanka aan walaxda ahayn, Khadra daahirna waa tii ku heestay “ Waxaad ceebta u taqaan qofbay camalkiisa tahay” oo waxa hubaal ah in waxyaaba qaar agtaada ceeb ka ah uu qof kale agtiisa lama huraan ka yahay. Tan waxa lagu tilmaami karaa in aan laysku raacsanayn waxa ceebta la yidhaahdo ee ay ku xidhan tahay aragti cid gaar ah amma qof.  Sida aynu xagga sare kusoo xusynayba dhaqanka waxa uu qaabeeyaa sida aynu wax u aragno iyo sida aynu u dhaqanno.

Waxa iyana muhiim ah in lays dul taago doodda ah Diintu ma dhaqanbaa ? maaddaama ay ku jirto waxybaaha ay bulshooyinku ku kala duwan yihiin, badanaa dhaqanka waxa abuura xaaladdaha iyo deegaanka lagu nool yahay, tusaale ahaan haddii aad degan tahay dhul saxare ah oo aad u guurto dhul dhir leh waxa hubaal ah in dhaqankaaga ay wax badan iska baddalaan iyadoo ay ugu wacan tahay baddalista deegaanka, kasoo qaad ugu yaraan waxa is baddalaya hoyga aad ku nooshahay iyo cuntada aad quudanayso waxa kale oo is baddalaya guud ahaan nolol maalmeedkaaga, haddaba diintu maaha dhaqan ee waa hab dhaqan amma qaannuun la raacayo iyadoo loo gaar yeelayo awood sare.

Bulshada ( Society)

Haddii aad tahay qof barta aqoonta bulshada ( Social Study) wax aa badanaa la kulmaysaa labada eray ee Society iyo Community, Afsoomali ahaan labadan eray waxa aynu adeegsan isku macne ahaan, hase ahaate afka Ingiriisiga iyo aqoonta cilmiga bulshadu waxa ay u adeegsadaan waxyaabo kala duwan. Erayga Society marka la joogo cilmiga bulshada waxa uu u yaqaanaa “Dad meel kuwada nool oo wadaaga waxyaabo isku mid ah sida dhaqanka ” oo ay ugu wayn yihiin afka, diinta, midabka iyo dhaqanku. Waxa hubaal ah akhristoow inaad maqashay weedhaha ay ka mid ka yihiin’ Bulshada caalamka, bulshada reer Soomaalilaan iyo qaar kale oo la mid ah. Haddaba eryga bulsho waxa loo mararka qaar loo adeegsadaa dad meel kuwada nool sida goob juquraafiyeed ( Geographical Location) oo ay tusaale u tahay geeska africa, jasiiradda carabta iyo qaar kale oo la mid ah. Marka kale waxa loo adeegsada guud ahaan arlada waxa ku nool oo dhan iyadoo loo eegado dad ahaan.

Dhankale erayga Community aya isagu ah mid aad u macne ballaadhaan wolow uu macnayaal kala duwan yeelanayo marka loo adeegayo meesha uu yaallo, sida asalka eraygani waxa badanaa loo adeegsaa dad ku wada meel meel gaar ah kuwaas oo aynu ka dhaxayn wax ay wadaagaan, waxa badanaa dhacda in dadka meeshas ku wada nooli ay yar tahay dhul ahaan sida magaalo.Tusaale ahaan Caasimadda Addiis-ababa ee itoobiya waxa ku wada nool dad kala duwan af ahaan, diin ahaan, dhaqan ahaan iyo midab ahaanba. Markan oo kale waxa aad aaad loo adeegsadaa erayga Community.  Mararka qaar waxa iyana loo adeegsadaa dad  meel gaar ah kuwada nool sida degmo amma xaafad ka mid ah hal magaalo.

Sidoo kale eraygan waxa aad ku arki kartaa iyadoo loo adeegsanayo koox gaar ah oo xanbaarsan aragtiyo gaar ah sida dadka aamisan aragtida halgan dumareedka ( Feminism Theory) amma guud ahaa waxa laysku yidhaahdo LGTBQ oo laha soo gaabiyay ( Lebian, Gay,Trasngender, Bixual and Queer. oo nuxur ahaan kuwa u ololeeya in dadka isku jinsiga ahi ay isu galmoon karaan iyo in qofku jinsigiisa baddali karo isagoo hab dhaqankiisa dhedigayna amma labaynaya, iyo sidoo kale in qofkaasi jidhkiisa ku mudo hoormoonnada labka amma dhedigga.

Si kastaba waxa jiri karo qeexiitaanno oo kale oo loo adeegsan karo bulshada, keliya qeexidda waxa abuura meesha eraygani ku jiro, tusaale ahaan cilmiga bulshadu wax gaar ah ayuu u yaqaanan bulsho, cilmiga sayniskuna wax kale ayuu u yaqaanna, muhiimaddu waxa weeyan in la fahmo in eraygu aanu badanaa yeelan macne buuxa markuu kelidii meel cidlo ah yaallo.

La soco qaybaha dambe oo aynu kaga hadli doonno, Qaab dhismeedka bulshada, afafka, dabaqadaha iyo kala sarraynta, sumcadda, akhlaaqda iyo qiyamka, hiddaha iyo soo jireenka, sumadaha iyo astaamaha, kala duwanaashaha, iyo waxyaabe oo kale oo muhiim ah.