Dawlad Mise Deegaan Tol? (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Dhaqankaa soo jireenka ah ee ku dhisnaa dawladnimada tolka ah iyo dawladnimadii uu keenay maamulkii gumeystuhu ee ku salaysnaa in wax la wada yeesho aanay ilaa maanta is-qabanayn. Markii gumeystayaashu qaarada afrika xoriyada siiyeen, waxa ay maamulkii dalalka kaga tegeen hogaamiyaal ay iyagu wax soo bareen oo fikirkooda ku socda, balse midab ahaan madow ah, maan ahaana caddaan ah (French Man with black face).  Maahmaah, murti ama maanso ka hadlaysa qiimaha uu leeyahay qaranku ama dawladnimadu ka soo helimaysid af-soomaaliga. Taasi beddelkeeda waxa laga soo helayaa boqolaal maahmaahood, murti ama maanso oo ka hadlaya waxtarka uu leeyahay tolku ama qabiilku. Bal kuwan aynu eegno:

= Tol waa tolane

= Tolkaa taagtaada looguma taliyo

= Talo tol diid tagooguu ka jabaa

= Tol shiri waayey shaasho kama baxo

= Tol sidii xidid u wada hadlay tol la’aan dheh

= Haween tag bay leeyihiine tol ma leh

= Fiqi tolkii kama janno tago

= Tolkaaga iyo kabtaada dhexdaa lagaga jiraa

= Tol yaraaday tafo naageed baa lagu kordhiyaa

= Tol xeer leh xantiir ma leh

= Talo xumo tol ma badiso

= Tol wada toosan lama helo

= Tol nin yaasiinka ka yaqaan isagaa gunaanad seega

= Naagi kula tol maaha

= Tolkaa oo tanaaday ku tiirsanow waa tows la’aan

= Way tol iyo wiiq sakaaro midna lagama waaqsado

= Tolkay baa xun iyo naagtaydaa ii daran midna lalama shir yimaado

= Tol waxa yaqaan nin u taliyey iyo tuugay

= Tolkaa kuma gabee afkaagu yaannu ku gabin

= Nin tolkii habaaray oo aan taqaaqufin la waa

= Nin tol yar ama loo tiraab ama loola toog-hay

= Dad waxa u liita tol diid iyo talo diid

= Tol waa talo wadaag

= Xaajo tol u dhamayn turunturro kama baxdo

= Nin tolkii ka tagoo soo tanaada la waa

= Tolkaaga iyo tarantaada midna looma fiirsado

= Magan aan tolkaa kula bariin iyo marti aan afadaadu kula soorin midna looma taag helo.

= Ninkii tol xume ku yidhaa, tolwaa baa la yidhaa

= Tolkaa eed iyo eex midna lagama galo

= Tol waxa loo yahay: nin quman quweyntii, nin qaldan qabashadii iyo nin qadsan quudintii.

= Tolkay sidaan maalinba nin u racayey ayaan wada nacay.

Dhammaan maahmaahyadaasi waxa ay si cad inoogu sheegayaan in Soomaalidu aanay wax aqoon ah iyo waayo-aragnimo ah u lahayn dawlad dhexe, oo aan ka ahayn dawlad tolnimo. Weligeed soomaalidu may yeelan maamul dhexe wixii ka horreeyey soo gelitaankii gumeystayaasha. Ilaa maanta halka ay iska qaban la’dahay dawlad tol iyo dawlad dhexe waa halkaasi.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

 Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com