Dhacdadii Booliska iyo Haweenayda ee Wajaale: Warcelinta Iyo Ballanqaadka La-xisaabtanka ee Taliyaha Guud ee Booliska Somaliland (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Dhacdadii Booliska vs Haweenayda ee Wajaale: Warcelinta Iyo Ballanqaadka La-xisaabtanka Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi *Dabagale) Taliyaha Guud ee Booliska Somaliland.

Kaddib markii ay maanta isoo gaadhay dhacdo foolxun oo ay ciidanka boolisku kula kaceen haweenay ku nool degmada Wajaale ee Gobolka Gebiley, oo aan runtii qof ahaan ka xumaaday, waxa aan iskay ula xidhiidhay oo aan uga wardoonay Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

Taliyaha waxa aan u gudbiyay xogtii aan ka helay sida wax u dhaceen iyo hadimadii loo geystay haweenayda oo daawasho ah. Weliba ma raacinnin wax ah “tallaabo ka qaad”, waxa aan se u daayay in uu isagu indhihiisa ku qiimeeyo, goaanna ka gaadho.

Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi, ugu horrayn waa uu iiga mahadnaqay in aan is-xilqaan iyo damqasho muwaaddin awgeed ugu tebiyay falkaas dhacay, waxaanu ii ballanqaaday inay la xisaabtami doonaan ciidanka tallaabadaas ku kacay. Waxa aan ku maamuusayaa waayeelnimada uu kaga falceliyay murugada iyo muuqaalka aan iskay u gaadhsiiyay.

Ciidanka boolisku waxa ay leeyihiin hannaan ay ku anshax-mariyaan kuwa tacaddiga geysta oo iyaga u gaar ah, sidaas awgeed tallaabada ay ka qaadayaan waa mid iyaga ka go’da. Maadaama oo ay dad badani bartaydan ka sii xigteen, faafiyeen ama arkeen garaacidda boolisku shalay ku jugeeyay haweenayda, waxa aan mar kale jecelahay inaan idin soo gaadhsiiyo in farriintaasi u gudubtay masuulkii ugu sareeyay ciidanka booliska Somaliland, isla markaana aan ka hayo ballan-qaadkaas.

Ugu dambayntii waxa aan Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ku hambalyaynayaa in uu si san iiga guddoomay cabashadaas dadweyne. Weedhiisa sani ha iga hakiso cambaarayntii aan muddada la soo jiifay ee ciidanka nabadgelyada (booliska). Waxa aynu sugnaaba waa in sharcigu qabta dable iyo dadweyneba.

Mar kale waxa aan madaxda ciidanka booliska ugu mahadnaqayaa garawshiiyaha ay muujiyeen.

 

Gefkana bashar baad u tee

Haddaad ka garawdo khalad

Gob bay caadadeeda tahay (Abwaan Gaarriye)

 

Ilaahay dhammaanteen xaqa ha inna garansiiyo, oo ha inna guuleeyo.