Dhacdadii Lagu weeraray Richard Burton iyo kooxdii la socotey 19th April 1855 Q.17aad (WQ: Khadar Jaambiir Egeh)

Herne, markii uu dibada u baxay si uu hub iyo rasaas noogu soo qaado ee aanu gaadhinba istoodhkii uu hubka noogu xeraaysanaa, markii uu dibada uuga baxay taandhadii aanu saddexdayadu gudaheega ku jirney ee aanu isdifaaca kaga jirney si aay gabood nooga noqoto warmaha aay soo ganayaan kooxdan nasoo weerartey ayaa waxa uu arka xaga dambe ee taandhadayada dhawr nin oo faqaaya udbihii aay ku taagnaayd taandhadu xageeda dambe, kuwaas oo damacsan si aay taandhada noogu dul-dumiyaan debadeed marka aay taandhadu nagu dul-hawaarsato raba in aay warmaha iyo midiyaha nagu boobaan anagoo shabaqa taandhada maradeeda markaa uugu jirna.

Herne nimankii ismuu dareensiin oo mugdiga habeenimo ee gudcurka aan cadadu Jirin ayaa kala xijaabay in aay arkaan, waxaanu dib uugu soo noqdey taandhadii aanu markii horeba sadsdexdayada ku jirney; waxaanu nooga waramay sida aay wax u jiraan iyo halista nagu soo fool-leh ee uu indhahiisa ku soo arkay iyo waxa aay maagan yihin nimanka taandhada xagga dambe ka faqaaya ee uu soo arkay.

Isla wakhtigan uu Herne noo waramaayo weerarka aay nagu soo qaadeen cadowgani waxa uu nagu socdey shan daqiiqo iyo kontan ilbidhiqsi. In badan waxaanu soo joognay Jasiirada Carabta, khibrad badana waan u lahaayn weeraro hore oo kan oo kale ah aay nugu soo qaadeen wararyahano carbeed oo aay taandhoonyinka aad ku jirtaan marko hore aay kugu duminayaan, marka xigtana qoobka fardaha iyo warmo lagugu dilaayo, waana caado lagu yaqaano oo aay caan ku yihiin Somaalida iyo Carabtu marka aay duulaan kugu soo qaadaan in aay Judha horeba kugu dul dushaan taandhada aad gaboodka kaga jirtid warmaha iyo leebabka aay kugu soo ganayaan xilliga mugdiga habeeno.

Hadal naguma hadhin oo afkaa juuqda gabay, xaaladuna aad baay noogu cakiran tahay oo waxaanu maraynaa cirkaa dheer, dhulkuna wuu nagu soo yaraadey. Dhinac noofayoobi majirto oo cadowgu meel kastaba oo aanu mari lahaayn ama aan ku baxsan lahaayn waay naga soo xidheen oo calooshooda ayaanu badhtanka uugu jirnaa. Iridka taandhadayada laga soo galo wadiiqada horteeda waxaa mugdiga nooga sii muuqda labaataneeye ku dhawaad waranleeya oo isugaaya marka taandha nalagu dul-dumiyo haddii aanu isnidhaah dibada u fakada in aay warmaha nagu boobaan oo aay goobtaasi maaydkayaga wadhaan.

Markaanu in waxoogaaya aamusnaayn ee midkaayaba uu midka kale ku eego daaymo iyo indho bilaa rajo ah oo aanu sugaayno geerida ayaa kama danbaayntii aan ku idhi saaxiibadaay waar intaan taandha laaynagu dul-dumin meesha si dhakhso ah inooga saara oo aaynu nasiibkeen kaashano ee dibada info saara ilaayn naftu waay baxaysaa koleeye, ha inaga baxdo naftu inagoo dagaalamaayna, balse inaga oo aan nin dhaawicin ama aan dilin yaan taandhade laaynagu dhex dumin oo dabadeed si dhib yaraana goobta la inoogu gawricin. Inkasto arinkaa aan soo jeediyey uu dacarta nagala qadhaadhaa, haddana saaxiibadaay sifiican baay iila qaateen soo jeedinteeydii oo taandhadii aanu ku jirney dibada ayaanu uga baxnay.

La Soco Qormooyinka Dambe.
Soo Diyaarintii iyo turjumudii:

Khadar Jaambiir Egeh