Dhacdadii Shabeelka iyo Aw Ibraahim Tukaale: 1912 kii Q.8aad (WQ: Khadar Jaambiir Egeh)

Sida laga soo wariyey Aw Ibrahim Tukaale (Ibraahim Taagweyne) habeen habeenada ku mid ah degalka aay deganaayeen ama qormada reerkoodu halkuu ahaa ayaa waxa dhacay habeen in aay Buti la odhan jirey Xuubsato goor saqdhexe ah oo uu habeenku kala badhmay in aay Butidaasi Xuubsato la odhan jirey aay iska soo dhigtey islaan la garanaayo oo la yidhaahdo Ardo.

. Waxa aay Butidii (Xuubsato) isa soo horjoogtey afaafka hore ee Aqal Soomaaligii Xadi Rooble; iyadoo Butidii codkii Ardo oo reerka laga garanaayo iska dhigaysa waxa aay tidhi Butidii Xuubsato inta aay kor u dhawaaqdey: “Xadi Rooblow bal xilliga uu Odaygii Ducaale dibada ii soo tuuray eeg, ma xilli dibada laaysku tuura, bal soo bax oo kalay Odayga iga ergee oo ku dheh qof islaama hadaad tahay dumarka xilligan dibada looma saaree shaaydaanka iska naar oo Afada dibada aay bahalada dad qaadka ahi sunsumayaan ha u loogine ka soo xeree”

Baryahaa aay Butidu ka dilaacdey deegaanka Arabsiyo iyo Kaamka magaalada Arabsiyaba waxaa la yidhi shan sanno ilaa muddo ku dhaw lix sanno muu jirin caruus ka dhaca oo dibada lagu tunto ciyaaro dhaqmeedka Soomaliga. Sida laga soo warily dadkii berigaa ku dhaqnaa malkada ceelka Arabsiyo waxa aay sheegeen in aaney dhicin caruus la soo galbiyaa oo loo ciyaaro ama oogu heeso hoobeey hoobeey, waayo waxaa la sheegay muddadii u horaysay ee aay Butiyadani ka dilaaceen Arabsiyo ee aan weli la baran Butida in aay ciyaaro dhaqmeedka soo dhex gale jireen marka la ciyaaraayo Butiyadaasi oo aay ka qaayb geli jireen ciyaaraha, balse inta aay dadka ciyaaraaya ku mashquulsan yihiin ciyaarta oo aay isla helio jibia iyo jata ayaay Butiduna ka faadiidaysan jirtey oo aay magacyada aay iskugu yeedhayaan inta dusha ka xafidaan aay iskaga dhigaan qof garanaaya aay u yeedhi jireen oo marka aay feedh uu la baxaan aay halkaasi kaga tagi jireen lafo egegan oo qofkiiya.

Guryaha aqal Soomaaliga Axdigaa aay Butiyadu ka dilaaceen malkadan dooxan Arabsiyo waxaa la sheegay in marka xoolahu soo xeroodaan ee lamaalo oodana lagu rogo ee seexad loo diyaar garoobo in aqalka si adag laayskaga xidhi jirey oo afaafka hore ee guri Soomaaliga laayskaga adkaayn jirey kabado iyo udbo dhumuc adag leh oo hoostana lagaga sii xaayn daabi jirey laba saamood oo qaro adag leh. Habeenimadani marka aay Butidii Xadi Rooble aay iskaga dhigtey afadii Ducaale ee Ardo oo uu dibada u soo tuuray Ducaale run buu mooday Xadi Rooble oo inta uu hurdadii ka booday ayuu isyidhi bal afaafka banaayso si aad uugu miciinto Ardo.

Afadii Xadi Rooble oo garatey waxa u yeedhayaa in aanu Ardo codkeedii lahaayn balse aay tahay Butidii oo iska dhigaaysa Ardo ayaa inta aay Afadii Rooble kor u booday oo aay u carartey dhinicii Xad ku tidhi Ardadaa kala dhacdaye waa Butidii oo Ardo iska dhigaaysee afaafka haaynagu banaayn yaanay Butidu ina daaqine. Xadi Rooble waa uu ka dhago adagey hadalkii iyo dareenkii runta ahaa ee aay u sheegtey afadiisii Xalwo Geedi, waxaanu isku cadiirey afaafkii guriga laga soo galaayey si saamihii, udubadii iyo kabadihii ilinka lagu adkeeyay u baneeyo.

Waxa uu Xadi Rooble kolna saanta furo, kolna uu udbihii dhumucda weynaa ee ilinka guriga laga soo galo aay ku shaqaaleen fiidkii hore ee habeenimo intaas uu guro oo uu dhinaca aloolku ka xigey ku tiiriyo oo ilaa markaa aay Afadiisii Xalwo Geedi ka daba qaaylyaayso iyadoo leh:

“Ee Xadi miyaad wajaqdey mise waad soo watadaa sowtaan ku leeyahay qofkan kula hadlayaa maaha Ardo, Eeyaahee kolka banaaysey gurigiiye oo waxa soo hadhay waxa weeye daaha kabada oo qudha’e inta aaney Butidu ina haleelin dhakhso oo udbaha iyo labada saamood dib uugu celi guriga. Markii aay Butidii Xuubso oo isku dhagaaysanaayey Xadi Rooble iyo Afadiisii Xawlo Geedii aay maqashay Xawlo Geedi oo oo ku leh Xadi Rooble udbihii iyo tiirashee dhumucda weynaa ee uu ka baneeyay Xadi guriga dib uugu celi ayaa Butidii Xuubsato tidhi iyadoo isla hadlaaysa inta aanu udubadaasi adadag ee aanad dhaafi kiraayn guriga dib uugu celin miyaad imikay fursadadi kuu banaantee weerartid oo aad ka faa,iidaysatid.

La Soco Qormooyinka Dambe.
Diyaarintii iyo kaaydintii:

Khadar Jaambiir Egeh