Imaam Axmed Ibraahim (Axmed Guray) iyo bilowgii aasaaska Saldanadii Adel (1415-1538). Q.2aad (WQ: Khadar Jaambiir Egeh)

Ninkani soo maray berigii Zaylac oo ku sheegay Zaylac in la yidhaahdo (Aflalaytis),Berberana iyadana la yidhaahdo (Maalo) waxa uu ninkaasi sheegay in Zaylac iyo Berberaba aay ku noolaayeen dad midabka Soomaalida leh oo la yidhaahd Berberi oo midab ahaan leh midabka maariinka, waxaaney dadkaasi u kala bixi-jireen marka laga hadlaayo cilmiga bulshada ama (Social Sociology) ga saddex qaaybood oo kala ah: Qaayb xoolo xun ah oo cunta hilibka xoolaha (Calf eaters) iyo qaabta labaad oo ahaayd ugaadhsato, qaaybta saddexaadna waxa uu ku sheegay in aay cawaan ahaayeen oo aay ilaa hilibka dadka cuni jireen (Flesh eaters). Dadkan ku noolaa marsooyinka Afalaaytiska iyo maalo waxa aay lahaayeen buu yidhi dekado fooxa, foolka maroodiga iyo bucsharado kale laga dhoofiyo oo xidhiidh dheer la leh Faaris ilaa Shiinaha, shixnadaha aay dhoofinayaana waxa aay uugu yeedhi jireen ( Farsad).

Zaylac iyo Berbera waxaa dhul ahaan markaa uu ninkaasi ku sheegay in la odhan jirey (Sookaadara). Imika magacan (Suuqaadara) waxa uu ka muuqdaa oo sii haaysata Jasiirada Bada ku taal ee Yementu haaysato, taas oo uu gumaaysigii Ingiriisku siiyey Yementa balse Somalidu leedahay taariikh ahaan ayaa ilaa imika Jisiiradaasi la yidhaahdaa (Suuqadara).

Waxaa uu ninkaasi safarkiisaasi uu ku marayo xeebaha Somaalida sannadkii 199 ka hor dhalashadii Nebi Ciise Calaayhi Salaame uu ka soo bilaabay Boqortooyadii Daamut ama imika loo yaqaan Daami ee ku taalay magaalada asmara oo berigaa loo yiqiin Andulus waxaanu socdey ilaa magaalooyin badan oo xeebaha Soomalida ku teedsan sida Boqortooyadii Maanduusa ee ku taalay agagaarka Ceergaabo; Boqortooyadaa Manduusa sida uu qoraagani sheegayo waxaa magaalo madaxdeedu ahaayd magaalada aasantey ee weli raadkeedu ka sii muuqdo duleedka Ceerigaabo, waxaana magaalada la odhan jirey Alqadariya. Axdigaa uu qoraagan Masriga Giriiga ahaa uu maraayo Boqortooyada Maanduusa ilaa Aflaytiska oo Zaylaca waxaa laga joogaa muddo ku dhaw lix kun oo sannadood, (Ilaahaaybase og oo aay aqooni usugnaantey”.

Sida uu ku sheegayo Boqortooyadaasi Manduusa qoraagani waxa uu tilmaamayaa in aay ahaayd Boqortooyo Xeebta ku taal oo xidhiidh fog la leh Shiinaha iyo Boqortooyadii Faarisiinta ee ilaa Hindiya ka dhisnaayd. Waxa uu sheegay marsada Boqortooyada Maanduusa in laga dhoofin jirey Fooxa, Haylka, Saakarada iyo koobob laga sameeyay muraayado oo aay la socdaan suxuuntoodu oo loo dhoofin jirey Shiinaha. Boqortooyada Maanduusa Boqorkii uugu dambeeyay ee la kulma Boqoradii la odhan jirey Kiloo-Badra ee Faraaciyiinta waxaa la odhan Jirey Bare, xaaskiisana waxa aay ahaayd Cutiya. Boqor Bare waxa uu ka soo jeeday qoomkii reer Tiiri. Dhulka Soomaalida waxaa waagaasi ku noolaa shan Qoom ama qabiilo oo waaweyn oo lahaa afar Boqor oo mid welba uu maamulo Boqortooya gaara.

Boqortooyyooyinkaasi waxa aay kala ahaayeen sidan soo socoto oo Boqortooyo kastaana waxa aay lahaayd dhul iyo dadkado u gaara oo waxa aay ku kala hadli jireen afaf kala duwan:-

La Soco Qormooyinka Dambe.
Diraantii:

Khadar Jaambiir Egeh