Diinta iyo doodaha Facebuugga! (WQ: Abdulqadir Diriye)

Dadka rumaysan inuu jiro waxyi Ilaahay soo dejiyey oo jaangoynaya habka nolosha sheegina kara wax aan dadku dareenkooda ama caqligooda ku gaari karin (sida waxa aakhiro ka jira), dadkaas markii loo sheego arrin waxyi ah ma inay iska qaataan baa? Waxaan is leeyahay laba arrimood ayey su’aal ka keeni karaan:
1. In ay hubsadaan in waxa la sheegay yihiin waxyi sugan.
2. in ay iska hubiyaan in waxyiga sugan sida loo fahmay ama loo micneeyey tahay sidii ugu habboonayd.
Labadaas qodob siyaabo kala duwan ayaa loogu kala fogaan karaa.

Mar walba waxaa laga doodaa wax la leeyahay diintaa sheegtay laakiin dadka qaarkiis dood ka qabaan ama diidmo toos ah kaga jawaabaan. Dadka laguma khasbi karo diinta oo taasi suurta gal maaha waayo xataa nebiyadaa kari waayey in ay waalidkood iyo ubadkoodii ka dhigaan siday rabeen. Waana ila habboon tahay in wixii laga doodayo laga soo bilaabo meesha ugu sarraysa ee lagu kala duwan yahay haddii kale sina la isugu af garan maayo oo maantoo dhan waxaa la iskula xiiqayaa arrimo hoose oo aan doodduba ka guntami karin.

Waxaa jira qof rumaysan in aanu u baahnayn waxyi haga noloshiisa, waxaa jira qof rumaysan waxyiga, laakiin jecel in uu si caqligiisu aqbali karo u micneeyo ifafaale walba, waxaa jira dad sidii waxyiga loogu sheegay oo keliya u haysta in ay xaq tahay oo aan si kale loo micnayn karin. dadkaas kala duwan hadday maantoo dhan ka doodayaan dumarku wejiga ma daboolayaan iyo surweelka raggu ma gaabsan karaan hadalkooda kama sal gaarayaan waayo aasaaska fahamkoodu ku dhisan yahay ayaa kala duwan. Kor hadday se u baxaan, oo doodda ka soo bilaabaan aragtida ay ka qabaan waxyiga iyo xiriirka uu la leeyahay nolosha, markaana ay marba hoos ugu soo daadegaan waxay isla oggol yihiin iyo waxay ku kala duwan yihiin waa laga yaabaa in dooddu mira dhasho.

Iyadoo la kala aragti fogaan karo, ayaa haddana dadku ku kala duwan yahay sida khilaafka looga jawaabo. Nebiyadu dadka waxay la jeclaayeen khayrka iyo in ay jannada galaan. Qof iyaga dhibaya ayey u ducayn jireen, dad ka cararaya ayey ku raad joogeen si ay waxyiga ugu sheegaan. Sidoo kale waxaa jirtay xaalado nebiyadu dagaal la galeen dad ay kala duwanaayeen. Laakiin, sidaan is leeyahay, guud ahaan Islaamku waa in dadka hadaladooda sida ugu wanaagsan loo fasiro, aan lagula degdegin gaalaysiin iyadoo ay dhici karto in faham keliya lagu kala duwan yahay ee aan asalka waxyiga dooddu ka joogin.