Guudmarka Buugga “Leaders Eat Last” (WQ: Axmed Sulaymaan)

Leaders Eat Last.. waa buug uu qoray qoraagga Simon Sinek oo ah qoraa buugaag kalena leh buuggani waxa uu ka koobanyahay 350 baal, sideed qaybood iyo 27 cutub waxaanu soo baxay sannaddii 2017-ka.

Buugani waxa uu si weyn u qaadaa dhigayaa in hogaamiyayaashu inta badan ay ugu dambeeyaan wixii dheef ah iyagoo iska horaysiiya cidda iyaga ka hoosaysa(Subordinates).

Waxaa uu qoraagu sheegayaa in ciidamada ka hawlgala badaha ay inta badan hor fuliyaan kuwa iyaga ku cusub halka ay dambe cunaan kuwa seniorka ah,Waxaa uu xusayaa nin Maraykan ahaa oo ciidan uu watay diyaaradi kula ciladawday waddanka Afghanistan iyagoo dul maraya, Johny waxa uu sameeyay in uu gurmad dirto, markay soo gaadheena waxa uu mid mid u badbaadiyay ciidamadii la socday isaguna waxa uu noqday ruuxii ugu dambeeyay ee ka soo badbaaday.
Dhulalka reer galbeedka waxaa inta badan dhacda in dadka sharikadaha maamuulaa ay kala dhaqan iyo hab-maamuus duwanyihiin waxaana jira qaar jalaska iskuulada oo kale shaqaalaha ku kala rawixiya, qoraagu waxa uu sheegayaa in nin goob ka shaqaynayay uu tahli kari waayay inuu fasax u helo xaaskiisa oo macaan qabtay oo lug laga jaraayay, markuu fasax u waayay waxa isu yimid shaqaalihii oo ugu deeqay fasaxoodii, waxa la sheegaa in tiro ku dhaw 20% dadka reer Maraykan ay yihiin qaar shaqadooda jecel, waxaana qoraagu sheegayaa in goobaha shaqada ay ku badantahay in qof waliba qofka kale ee ay isku goobta ka shaqeeyaan uu iska eegaayo, maareeyayaasha ayaana abuuri kara in ay sameeyaan deegaan lagu wada bariiseeyo(Circle Of Safety).

Daraasad ay samaysay Canberra oo Australia ku taal ayaa sheegtay in shaqada aanu qofku jeclayn ay caafimaadkiisa wax yeelayso gaar ahaan xanuunada wadnaha ku dhaca ayaa qofka haleela, waxa uu sheegayaa laba chemical oo qofka baniiaadamka ah xaalado raynrayn ah geliya marka ay u qabsoonto hawlaha uu ku fooganyahay.

Xarunta counter-terrorism ayaa xustay in 12,500- oo ruux ay argagaxiso(Sida ay ugu yeedhaan) dileen sannadkii 2011-kii, xarunta FBI-da maraykanka ayaa sheegtay in Maraykan gudihiisa lagu xasuuqay 165,000- oo ruux intii u dhaxaysay 2,000-2010-kii, marka loo eego 600,000- oo ruux u naf waaya wadne xanuun iyo welibana 600,000- oo qof oo Kansar u dhinta.

5-tii bishii August 1981 ayaa madaxweynihii Maraykanka ee Reagan uu eryay 11,000- oo shaqaalaha diyaaradaha haga ah, shaqaalahaas ayaa codsanayay in lacagta loo kordhiyo maalmaha shaqada oo ku badana laga yareeyo, hudheel India ku yaal oo Taj Mahel la yidhaahdo shaqaalihii hudheelka ayaa badbaadiyay dad badan oo marti ku ahayd hudheelka ka dib markii qarax lagu eekeeyay.

Saddam Husein imaanshiyihiisii ayuu qoraagu sheegayaa inuu dad sii samaytay markuu xukunka yimidna waxa uu ku rusheeyay xilal iyo adduun lacageed,waxa uu qoraagu ka sheekaynayaa CEO’s fara badan oo kambaniyo waaweyn soo maamulay iyo sida ay markasta iskugu dayi jireen in ay shaqaalahooda ka hormariyaan naftooda, waxaana ay sheegayaan in qaabay lagu sameeyay tii macaamiishu horayn jirtay duninadana imika sidan loo dhigay ” Your main constituencies are your employees, your customers and your products” oo micne ahaan u dhigan shaqaalaha ayaa mudnaanta koowaad leh, waxaanay ku sii dareen ” Customers will never love a company until the employees love it”.

intaas iyo ina kale oo badan buugaas ayay dhex taallaa.

Wasalaam.