Awoodaha ku loollamaya Mustaqbalka Yemen: Sanci ma geli doontaa gacanta iiraan/xawthiyiinta? (WQ: Dr. Abdulqani Badder)

5 sannadood ka hor markii aan qoraalkan hoose qoray dad akhyaar ahaa ayaa la yaabay prediction-kayga!!, maantase taxliilkani wax cusub uma sheegayo, waayo waa waaqic ay la noolaadeen!

Awoodaha ku loollamaya Mustaqbalka Yemen

Sanci ma geli doontaa gacanta iiraan/xawthiyiinta?

Marxaladda uu dalka Yementu marayaa waa marxalad aad u adag, una eg inuu god madow ku dhacayo haddaanu Illaahay caymin.

Waxa dalka isku haysta awoodo fara badan oo taageero debedeed oo kala duwan haysta.

Dhinaca koonfurta waxa dagaalo ka wada kooxda gooni isu taagga koonfurta u dagaallamaysa oo hubaysan, sidoo kale waxa dagaallo xoogan ka wada kooxda hor iyo dabo diidka ah ee Al-qaacida, gobolada waqooyiga waxa intooda badan gacanta ku soo dhigay kooxda xawthiyiinta la yidhaahdo oo taageero adag ka haysta shiicada Iiraan, Ciraaq iyo Lubnaan, iyo weliba sida la sheego nidaamkii hore ee Cali Cabdalle Saalix, Imaaraadka iyo Sucuudiga.

Waxa laga yaabaa in akhristayaashu la yaabaan siday suuro gal u tahay in sucuudigu shiico taageero!.

Xawthiyiintu cidda ay dagaalka ugu adag kula jiraan waa qabiilooyinka sunniga ah gaar ahaan qabiilka Xaashid oo ay hogaamiyaan reer Axmar, isla markaana hogaamiiya ikhwaanul musliminta Yemen, Reer Axmar waa Maalqabeenno awood badan, waa caruurtii odaygii la odhan jiray Cabdalla Al Axmar oo ahaa guddoomiyaha baaralamaanka Yemen iyo guddoomiye sharafka golaha ururka ikhwaanka ee Al-Islaax, sucuudiguna waxay dagaal adag kula jiraan Ikhwaanka sidaad qadiyadda Dalka Masarba ugala socotaan, markaa in iiraan iyo sucuudigu wada taageeraan xawthiyiinta waxa ku kulantahay maslaxadda labada dawladood.

Madaxwaynihii xilka laga tuuray Ali Abdalla Saalix weli waa gudoomiyaha xisbal xaakimka dalka, inay wax hagaagaan oo habaar qabihii laga raysay la yidhaahdo ma doonayo markaas qaska dhinaciisuu kaga jiraa, weliba awoodda fulinta ee dalka in badan oo ka mid ah isagaa gacanta ku haya, ogow oo inamadiisu waa taliska ciidamada iyo safiiro.

Waxa dhinaca kale jira saraakiil iyo kooxo dareensan in aan kaalintoodii la siinin sidaa awgeedna qaska iyo dilalka qorshaysan hoos ka wada.

Dhinaca kale qabaa’il baa jira is haya oo aan is arki karin, Madaxwaynaha cusubi Cabdi Raboo Mansuur waxa uu doonayaa inuu waxaas isku wado oo uu xaqiijiyo go’aammadii lagu gaadhay shirwaynihii tobanka bilood socday, laguna heshiiyey in dawladda federal ah oo lix dawladood ka kooban la soo dhiso, distoor la sameeyo, ciidanka amniga la dhiso —–.

Waxa jira gamco debedeed oo aan xad lahayn oo iyana wadanka gacanta kula jira oo dhinacyadaa kala taageeraya, kuwaasoo ay ugu muuqaal wayn yihiin Sucuudiga iyo iimaaraadka oo doonaya inay fashiliyaan madaxwaynahan maadaama oo nidaamkiisa ay ku jiraan ikhwaanku oo ay shan wasaaradood ku leeyihiin, gacanta Maraykan, Midowga Yurub iyo awoodaha bariga ayaan iyana meesha ka maqnayn oo dhinacyada haysta.

Maraykanka iyo Reer Galbeedka dano badan bay ka leeyihiin Yemen, xogaha qaarkood waxay sheegayaan inay madaxwaynaha iyo ciidankaba uga digeen inay nimankaas xawthiyiinta la yidhaahdo is hortaagaan!!!!!!,.

Aragtidayda khatarta ugu wayn ee Yemen ku soo fool lihi waa awoodda sida xawliga ah u koraysa ee xawthiyiinta oo maanta Sanca u jira 15 kilomItIr, waxay dul fadhiyaan madaarka caalamiga ah ee Sanca, sidoo kale waxay muuqaal hubaysan ku dhexmaraan Sanca, waxaana la filayaa inay mudo dhow isku deyi doonaan go’ doominta magaalada, awoodda dawladduna maaha mid laysku hallayn karo, marka la eego idologiyada diineed ee ay nimankani ku socdaanna waxay saameyn ku yeelan karaan ciidanka laftiisa.

Sanci waa magaalo guun ah waxa ku nool in ka badan sadex malyuun oo qof, waa ubucdii cilmiga iyo culimada ee dalkaas, maxay ka yeeli doonaan xawthiyiintu – ilaahay ma qadaree – haday qabsadaan magaaladaas?.

Dr. Abdulqani – Sana’a – Yemen – May. 29, 2014