Dimuqoraadiyadda xorriyada leh iyo dimuqraadiyadda aan xorta ahayn (WQ: Mohamed O. Hagi Mohamoud)

FUNDAMENTAL DEMOCRACY vs INSTRUMENTAL DEMOCRACY.

Culimada daraasadaysa dimuqraadiyadda waxa ay inta badan ku soo uruuriyaan in ay dunida jiraan labo dimuqraadiyadood.

Dimuqraadiyadda hore waxa loo gu yeedhaa dimuqraadiyadda aas aasiga ah “Fundamental Democracy”. Nidaamkan waxa loo yaqaan oo kale “liberal democracy” ama dimuqraadiyadda xorriyadda leh, waana tan la ga isticmaalo dalalka galbeedka ee ninka cadi ku nool yahay.

Dimuqraadiyadda noocan ah waxa la madaxbannaysiiyey maanka qofka, ruuxda qofka, jidhka qofka, doorashada qofka wax wal oo uu rabo oo aan cid kale dhib ku ahayn. Waxa kale oo qasab la ga dhigay in dawladdu adeeg siiso qofka. Tusaale ahaan, waxbarasho, caafimaad, shaqo, guri iyo kab lacageed haddii jeebkiisu hooseeyo.

Adeegyada dimuqraadiyadda tani ay leedahay ee dhinaca adeeg bixinta dawladdu waxa ay suuro-gal noqotay markii uu dhaqaaluhu saamaxay ee dagaalku labaad ee adduunka la ga soo kabtay. Dalalkuna waxa ay dadkooda ugu kala adeegaan hadba sida uu dhaqaalahoodu yahay, ama fikirka dawladnimadoodu markaa yahay (social democrat vs individualism). Arrintani waxa ay keentay in qofku si sax ah u fekero oo uu naftiisa aamino. Dawladnimadiina waxa ay noqotay wax la wada leeyahay.

Dimuqraadiyadda labaad ama tan dambe waa nooca loo yaqaan dimuqraadiyadda agabka (Instrumental Democracy). Sidoo kale nimdaamka kan waxa loo yaqaan ”illiberal democracy” ama dimuqraadiyadda aan xorta ahayn. Nidaamka kan waxa loo gu bixiyey ”Instrumental Democracy” waa in dalku yeesho axsaab, guddi doorasho iyo xilli doorasho oo marka uu doono rasmi noqon kara, marka la doonana wakhtigeedu isbeddeli karo.

Dimuqraadiyadda tan waxa isticmaala badi dalalka kale ee adduunka. Waxa se aad ugu badan dalalka Afrika, Koonfurta Maraykan iyo dalal badan oo Aasiya ah. Dhaqanka dimuqraadiyadda tani ay leedahay waxa ugu weyn, in axsaab mucaarid ah iyo mid muxaafid ahi dal ka jiraan, in tartan la gali karo, in saxaafadda la ga hadli karo, in aragti la isku xidhi karo iyo in labada dhinac (muxaaid iyo mucaarid) hadba kii dalka qabsadaa aanu waxba kaga duwanaan karin kii hore oo isku si loo dhaqmayo.

Dimuqraadiyadda noocan ahi inta badan la ga ma fikiro afkaar dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Badi waxa la ga fikiraa ee axsaabta iyo siyaasiyiinta iyo bulshada waddamadaasi ay maanka ku hayaan cid heblaayo in ay cid heblaayo kale ay xukunka si salmi ah u ga la wareegto. Marka ay kala wareegto wax weliba halkiisii hore ayuu ka sii soconayaa. Xisbigii mucaaridka ahaa ee talada qabsaday wax wal oo uu ku eedayn jiray kii ka horreeyey ee uu xukunka kala wareegay ayuu sameynayaa oo uu si toos ah ugu dhaqmayaa.

 

Mohamed O. Hagi Mohamoud