Doorashada Baarlamaanka: Qaar Ka Mid Ah Caqabadaha Jira ee Saamiqaybsiga! (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Haddii doorashada Golaha Wakiillada lagu gelayo sidii 1960kii oo 2.5 lagu dhuftay, Gobolka Sool waxa 1960kii ka soo baxay shan Xildhibaan oo Dhulbahante ah.. 2005 waxa soo baxay lix Isaaq ah iyo lix Dhulbahante ah.. Saw lalama qaybsan?
Buuhoodle waxa kayd looga dhigay 1 xildhibaan. Oodweyne iyo Burco oo laba degmo ka ah Togdheer ayaa 14 qaatay.

Ciise oo 1960 lahaa laba Xildhibaan oo 2005 noqon lahaa shan, waxay heleen 1 xildhibaan.
Codka saamiqaybsiga iyo dareenka ka jira Awdal waa mid u baahan qancin, dhegaysi iyo dood furan.. Afgarad buuxa ayuu u baahan tahay.

Heshiiska la gaadhay weli qabyo badan ayaa hor taalla.