Doqomada xarfaanta ah! (WQ: Dr-Abdulqani Hussein Beder)

Dhawr casho ka hor waxa dhintay odaygii Suuriga ahaa ee diinta ku fallaaday, waxa uu gebi ahaanba diiday Sunnada Nebiga –scw-, Qur’aankana waxa uu ku fasiray siday hawadiisu jeclayd, waxaanu isku deyey in uu macno tiro gebi ahaantiiba, Sinadu waa xalaal, Khamrigu waa xalaal, janno iyo naar Alle ka cabsi laguma helo, Nebi Muxammed mufakar uu buu ahaa ee dadka waxba ma dheerayn—- belaayo oo dhan ayaa laga waddacay odaygaas!

Qof kasta oo aqoonta diinta bilow ku ah, amaba luuqadda carabiga yaqaannay wuu arki karayey gurraca fahamka shakhsigaas, maanta iska dhintay ee aanay cir iyo dhul toona u ooyin.

Nasiib darro arday buu lahaa, kuwaasoo la dhacsanaa aragtiyihiisana faafin jiray, waxa la yaabka lihi waxa weeye, maanta markii uu dhintay in fahamkiisii la sheego waxa ay u arkeen ceebayn iyo meel ka dhac mayti lagula kacayo !!
Waxa aad arkaysaa iyaga oo daliishanaya xadiiskii Rasuulka ee ahaa: “Ha caayina maytida, wixii ay horumarsadeen way la kulmeene”!

Kooxdani laba gef oo foolxun bay gelayaan iyaga oo is leh waxbaad wanaajinaysaan:
1) Waxa ay meel ka dhac ka dhigayaan in ninkaa gurraciisii caqiido la sheego oo aragtiyihiisii la xuso, hadda waa aragtiyihii ay noloshiisa difaaci jireen ee barbar taagnaayeen, ma markii uu dhintay ayay ka bari noqdeen oo ay ceeb u arkeen sidii shaydaanka? Mise nimanku laba wejiilayn ayay innagula dhaqmayaan?
2) Waxa ay daliishanayaan axaadiis ay doonayaan in ay ninkaas ku difaacaan, adeerayaalow ninku axaadiista ma aaminsana ee idinku meel ha kaga dhicina isaga, haddiiba aad aragtidiisii ka noqoteen, haddii aad weli qabtaan oo raadkiisii haysaanna ha is maaxduminnina, oo wax aydaan rumaysnayn ha daliishannina, hadda weliba ogaada xadiiska Caa’isha oo liiska Abii Hureyra idiinku jirtay ayaa werinaysa !

Waxyaalihii ugu yaabka badnaa ee uu ninkaasi qabay waxa ka mid ahaa in dadka sunnada rumaysani ay gaalo yihiin, ninka Hawd la yidhaahdo ayaa maalin nagu soo Tag-gareeyey isaga oo la dhacsan, aniga iyo Mohamad Hirsi G Abdibashir, qoraal uu ninkaasi arrintaa kaga hadlayo isaga oo daliishana aayaddan soo socota, isla markaana leh waa dood dhex mari doonta Qur’aaniyiinta iyo Bukhaariyiinta:
{هٰذَانِ خَصْمَانِ اخْتَصَمُوا فِي رَبِّهِمْ ۖ فَالَّذِينَ كَفَرُوا قُطِّعَتْ لَهُمْ ثِيَابٌ مِّن نَّارٍ يُصَبُّ مِن فَوْقِ رُءُوسِهِمُ الْحَمِيمُ، يُصْهَرُ بِهِ مَا فِي بُطُونِهِمْ وَالْجُلُود،ُ وَلَهُم مَّقَامِعُ مِنْ حَدِيدٍ، كُلَّمَا أَرَادُوا أَن يَخْرُجُوا مِنْهَا مِنْ غَمٍّ أُعِيدُوا فِيهَا وَذُوقُوا عَذَابَ الْحَرِيقِ}.
Maalintaas waxa aan ku idhi ninkii weynaa ee qoraalka nagu soo xidhay: Waar kan aad la dhacsantahay inta aan la gaadhin indhaha qalbigaba, indhaha sare ayuu la’ yahay ee maad iska daysid, malaha adigaaba dhaami lahaaye, waayo aayadda ayay ku caddahay (فالذين كفرو), isaguna isaga oo is leh gaalaysiinta sunniga qarso ayuu yidhi dooddani waxa ay dhex mari doonta kuwa Qur’aanka-sunnada Alle- rumaysan-waa sida uu u dhigay – iyo kuwa Sunnada Bukhaari raacsan !

Khaatumada Alle ha inoo wanaajiyo ee walaalayaal diinta ha loo feejignaado, oo nahafeenna aynnu ka war haynno, oo caqiidada toosanna ku waardiyeynno.

Dr-Abdulqani Beder.