Dufcadii 2020 ka qalin jabisey jaamacaddaha adduunka iyo waxyaabaha lagu xusuusan karo (WQ: Abdifataah M.Ahmed)

Waxaan ka mid ahaa dufcadii 2020 ka qalin jabisey jaamacaddaha adduunku,waxa ay aqoon yahan badan iyo ardey badan oo sannadkan adduunka jaamacaddaha macasalameyneysa ku noqon doontaa sannad si kale taariikhda u galay adduunkuna xanuun iyo dhaqaale darro la daalla dhacaayo”.qof kasta oo aad u sheegto in aad qalin jabisey 2020 wuxuu dib u xasusan doonnaa karoonaha iyo waxyaabaha sannadkan adduunka ku cussub,Ardey badan waxa ay haddaba rumeysan yihiin in qalin jabinaha sannadkan ee adduunka ka dhacayaa aaney marna la mid noqon doonin sida kuwii iyaga ka horreeyey.

Billowgii karoonaha Dalka japaan Ardey ayaa lagu xusey munaasibada xafladdooda qalin jebinta Robots lagu dhejiyey wejiyadooda,Ardeydu waxa ay ku xasuusan doonaan sannadkani in ay qeyb ka mid ah ku dhigteen waxbarashadda masaafada fog,in simisterkii ugu danbeyey ay casharadooda ku qaateen Googleclassroom iyo guud ahaan agabyada tiknolojiyadda ee kala duwan,Waxa ay ku xasuusan doonnaan in ay goobaha waxbarashadda tagi jireen iyaga oo af-xidhkooda wata,waxa ay ku xasuusan doonnaan in maaddooyinkii ugu danbeeyey ay ku qaateen hab ka duwan sidii waayadii horre,waxa ay ku xassuusan doonnaan in qoridii buugga (Thesis) ay inta badan ku diyaariyeen hab #Online ah oo ka duwan sidii xilliyadii horre,waxa ay ku xasuusan doonnaan in qalin jabentoodii iyo bulshaddii oo la kala fogeeyey ay isku beegmeen,waxa ay ku xasuusan doonnaan barashada aqoon tiknolojiyaddeed oo badan sida Zoom iyo Video call cod iyo duubid ba leh ay macallimiintu fikirkooda ugu soo gudbin jirtey,Waxey ku xasuusan doonnaan caqabadaha  kala duwan sida agab la,aan iyo khadka internetka oo ku xumaa  ee ku soo baxey intii ay waxbarashada masaafada fog dhammeystirka jaamacadda ku jireen,Waxa ay xasuusan doonnaan E-mail,Online,Telefoono(Cellphone) badan oo gacanta ah,Videos,Whatsup,audio records in ka badan waxyaabaha kalle,Waxa ay ku xasuusan doonnaan in dufcaddooda si gaar ah jaamacadduhu ay imtixaanka shahaadiga ah uga qaadeen looguna yeedhay isla jaamacaddooda iyo fasalladii horre loogu  imtixaani jirey,waxa ay ku xasuusan doonnaan culeyska dhaqaale ee dalku jirey bulshaddana wada taabtey in haddana ay soo bixiyeen lacagihii waxbarashadda kaga waajibey,Waxa ay ku xasuusan doonnaan in kuwo badan oo ka mid ah sida bahda caafimaadku ay ka qeyb gashey wacyigelintii karoonaha kaalintoodana ay ka soo qaateen.

Maalinta qalin jebintu Ardey badan waxa ay uga dhigan tahay Maalin hal mar ugu jirta nolosha oo dhan,Hambalyo,Foolladeyn iyo Tahniyado badan ayeyna ugu tallo galeen in ay ku qaabilaan,waxa ay in badan ku soo taamayeen in ay hellaan xafladd qalin jebin oo ka duwan kana heersarreysa kuwii iyaga ka horreeyey,tushuushka iyo bandooga adduunka ku furani in ka jabo ayey ku duceysanayaan,maalintii aqoontooda lala arki lahaa in adduunku farxadd ku qaabilo ayey jecel yihiin “The Final Goodbey is not an easy one”xafladdo iyo macasalameyn qurux badan ayey ka sugayaan ayaamaha soo socda,maalmo dhaama maanta  ayey sugayaan.

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com