Faylasuufiyiintii Nolosha Ka Dhacay (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Falsafaddu waa jacaylka xigmadda iyo raadinta xaqiiqada iyada oo loo maraayo in su’aallo badan la iska weydiiyo wixii jira si gunteeda loo gaadho. Haddaba ragga xagga hoose aynu ku sheegi doonaa waa kuwii ku talaxtegay una go’ay raadinta nolosha xaqiiqadeeda, iyaga oo baalmaray jiritaanka Alle (SCWT). Aakhirkiinna markii ay nolosha gunteedii gaadhi waayeen ayey iskood isku khaarajiyeen. Caqliga Ilaahay ku siiyey haddaad ku garan weydo, nolosha ayaa khakhal kaa galaysa. Qoraaga Wesley Smith buugiisa (The Suicide Philosophers) ayaa waxoogga kaga hadlay naftood haligaashan.

= Robert F. Ardigo oo u dhashay dalka Talyaaniga oo ahaa Faylasuuf noolaana 1828 ilaa 1920, ayaa qudha iska jaray markii uu fahmi waayey siday u shaqayo figrada bini’aadamku. Isaga oo ay da’diisu marayso 92 sanno.

= Carlo Ludwig oo u dhashay dalka Faransiiska oo ahaa Faylasuuf  noolaana 1870 ilaa 1950, ayaa isna naftiisa gaajo ku diley, markii uu fahmi waayey waxa ay la micno tahay noloshiisu. Wuxuu ku wareeray sidii uu adduunku u yimid iyo wuxuu ku dambayn doono. Isaga oo aakhrikii tegay meel cidlo ah oo cuntadii ka soomay. Sidaasina ku bakhtiyey.

= Johan Robeck oo u dhashay dalka Iswiidhan, hasayeeshee dhalashada Jarmalka qaatay. Wuxuu noolaa 1672 ilaa 1739. Wuxuu aaminsanaa haddii uu qofku xaqiiqada ka gungaadhi waayo, markuu su’aallo isweydiiyo waa inuu gacantiisa isku sadqeeyo. Tii ayuu naftiisa kaga dhabbeeyey. Waxaanu isku tuuray webiga Bremen dalka Jarmalka, markii uu jawaabo u heli waayey wixii uu raadinaayey.

= Felice Plato oo ka mid ahaa Faylasuufiyiintii Giriigu ku daba-tukan jiray ayaa goob cidla ah intuu dab shiday ayuu muddo dhawr saacadood ah dabku siduu u ololayo su’aallo iska weydiiyey. Markii dambe isaga oo qaylinaaya ayuu dabkii isku tuuray. Wuxuu noolaa 1781 ilaa 1851.

= Socrates oo u dhashay dalka Giriiga, noolaana 470—399 BC, ayaa wareer ka qaaday siday mowjadaha badduhu 20 jeer maalin keliya isu beddelaan. Markuu in muddo ah fikirayey ayuu fahmi waayey siday u shaqaynayaan, markaasuu sun cabbay sidaasi ayuu ku god galay.

= Freidrigh oo ka soo jeeday dalka Jarmalka ayaa maryaha dhigtay oo waashay markay maskaxdiisa ka dhaadhici weyday kala duwanaashaha Aadamaha iyo xawayaanku.

= George Nicos oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa in badan raadinteeda keymaha u galay siduu nooluhu u samaysan yahay iyo dhimashada ka dib wuxuu ku dambaynayo. Habeenno badan isaga oo kaymaha u hoyda ayuu markii dambe bastoolad madaxa isaga dhuftay. Waxaanu ka tegay waraaq uu ku sheegay sababta dhimashadiisa oo uu ku sheegay inuu adduunka macno la’aan uu u yimid.  Wuxuu noolaa 1890 ilaa 1972.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com