Waxay ahayd gelin danbe ย abaaro labadii duhurnimo markii goobtii aanu daadsanayd oo ahayd deegan loo yaqaano Beeyo-doofaar oo ku yaala waqooyiga Magaaladda Hargaysa nalagu soo kiciyey diyaaradihii ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee uu dheegga kaga sawiraa calankii buluuga ahaa .
Sanadku waa 1988 bishii june , muddo labaataneeyo cisho ahayd oo aanu meesha joognayna diyaaraduhu waxay noogu soo kici jireen si joogto ah , waanay na duqayn jireen hasa yeeshee maalintaasi way ka duwanayd .
Labadii duhurnimo ilaa gabal dhicii ayay diyaaraduhu noo garaacayeen si joogto ah , jeexjeexyo ay ku taalay dhir gaagaaban oo sogsog loo yaqaano oo aanu diyaarada ka galay ayaana kolba Aabo dhan noo kaxaynayay aniga iyo walaalkay oo iga yar si aanu diyaaradaha uga gabaadsano .
Gabalki markuu dhacay ayay diyaaradihi iskood nooga tageen,waxaana igu maqaalo ah in ay goobtaa ku dileen dhawr iyo toban qof ย , war kale ayaase jirray .
Habeenkii markii la isu soo hoyday waxaa la keenay war dhiilo ah oo sheegaya in diyaaradihii galabta na duqaynayay ay gumaad balaadhan ka gaysteen qaxoonti sidayada daadsanaa ag agaarka buuraha Naasa-hablood , gaara haan dhankooda soo xigta ee ah burcada banaan .
Qaxoontigu goobtaa uu yaalay oo ahayd goob banaan awgeed , diyaaradihi waxay si axmaqnimo ah ugu hirgiseen kumanaan qoys oo dhulkaa banaan daadsan wixi ay hub haysteen , waxaanay isla galabtaa oo keliya dileen in ka badan laba boqol oo qof oo casarkaa oo keliya naftu dhaaftay.
Dadkii maalintaa alaystay waxaa ku jiray laba caruur ah oo walaalo ah oo ay dhashay habar yartay Nimco af-bahale oo aanu isku xaafad ahayn (qudhacdheer) isku malcaamad ahayn , aqaladayaduna iska soo horjeedeenaoo aanu wada ciyaari jirey, kuwaasoo ay goobtaa diyaaraddu ku wada dishay .
waxa kale oo ka mid ahaa 11 qof oo ka mid ahaa qoys ka kooban 12 qof oo hal qof ka badbaaday .
Dhamaan dadkaasina waxay ahaayeen dadkii shacabka ahaa ee ka qaxay magaaladda Hargaysa , goobta ay joogeena dagaalka umay dhawayn waayo dagaalku wuxuu markaa ka socday suuqa hoose ee hargaysa ย , sidoo kale dadkaa waxa laayay waxa uu ahaa keliya diyaarado dagaal oo lagu gumaaday .
Maalintas ayaa qoyskayagu goostay in uu kasii qaxo goobtii aanu naalay si aanu diyaaradaha uga fogaano , intii aanu socdaalka kusii jirayna waxaanu goor maqriba sii degnay goobtii dadka lagu xasuuqay ee Naaso hablood .
waxaanu goobtii ugu tagnay maryihii , agabkii iyo alaabooyinkii dadkii la laayay ka yaaceen , waxaana aanu goobtaa ka qaadanay bakeeri uu heley walaalkay maxamed oo aanu xasuus ahaan u qaadnay ilaa hadeerna aanu u hayno .
Sidoo kale , diyaaradahaasi waxay dad ku laayeen , Farawayne , Allaybaday , Salaxley , Bali-Axmed iyo Harasheekh , oo goobta ugu dhaw dagaalku u jirey 50 km , dadka ay laynaysayna waxay ahaaayeen qaxoontigii qaxayay iyo reer miyigii .
C.raxmaan guulwadde xasuuqa diyaaradahu gaysteen ee uu difaacayana waakaas , qof taageera iyo qof ka xumaadaba , ugu danbayn ilaahay baa mahadle oo naga badbaadiyey xasuuqaa aanu goob-jooga ka ahayn .