Sideedaba qofka gabayaaga ah ma aha qof “mentally stable” ah oo sida dadka caadiga ah loo qiimayn karo ama la saadaalin karo. Qaarkood ayaaba borderline waali ah. Qofkaas waxa hogaamiya caafidad aan xeeli lahayn oo waaqaca garab marsan. Cadhadiisa iyo dhaliishiisu waa xad dhaaf, jacaylkiisuna waa xad dhaaf. Waa sababta ay ugu fududahay inuu degelo fog oo gaadhitaankoodu adag tahay uu hilaadiyo, maxas badanina ku kadsoonto. Waa kii xadiiska Nebigeenu (SCW) ahaa ” إن من البيان لسحرا” Aftahannimadu sixir ayay leedahay.
Ilaahay (SWT) ayaa isna inoo sheegay
وَالشُّعَرَاءُ يَتَّبِعُهُمُ الْغَاوُونَ أَلَمْ تَرَ أَنَّهُمْ فِي كُلِّ وَادٍ يَهِيمُونَ وَأَنَّهُمْ ”
“يَقُولُونَ مَا لا يَفْعَلُونَ
Gabayaaga waxa daba gala kuwa marin habowsan iyo wax magaratada: (الْغَاوُونَ) waxa lagu macneeyay shayaadiinta dadka duufsada. Miyaanad arag inay tog kasta dhex asqaysan yihiin- mawduuc kasta iyo arin kasta oo dhaxal gal ah oo aanay aqoon iyo garaad u lahayn ayay dhex dabaashaan. Waxa kali ah ee ay hayaan waa hadal macaan, qurux badan oo xamaasadaysan; kaaas oo bulshada, oo wax magarato u badan, ay ku yool habaabiyaan. Waxay yidhaahdaan wax aanay samayn karin ama guud ahaanba la samayn karin.
Saamaynta togan ee afku xoogle yaasha abwaanadu bulshada ku leeyihiin sifiican ayaad uga arki kartaa bulshadeena. Waad aragtay sida bulshada loo gebagebeeyay ee heeso iyo gabayo xamaasad kicin iyo isku dir ah la isagaga horkeenay. Ka gabayga sameeyay iyo ka qaaday midna dan umadeed iyo horumarinteeda atam wax leeg kuma dari karo. Hadana waa hal door oo kumanaan ayaa u sacabiya.
Ta ugu halis badan waa marka aftahanimada, xamaasada hal abuurka iyo fikir diimeedka xagjirka ahi isla fal galaan -waa halis aad u wayn oo ay tahay in si badheedh ah looga hor tago. Ururada xagjirka ah oo dhan way ka siman yihiin inay suugaanta, gaar ahaan gabayga, u adeegsadaan xamaasad gelinta da’ yarta si ay u helaan xubno cusub oo xaabo u noqda mashruucooda. Bulshada Soomalida, gaar ahaan, deegaanada qaarkood, ayaa usii nugul sixirka ereyga iyo caadifad abuurka hal abuurka. Waana astaan bisayl la’ aaneed oo ay tahay in laga shaqeeyo sidii looga kori lahaa.
Qore:Dr-Abdikarim D Hassan
Bandhige@gmail.com