Maayar Aamiin: Iyada oo Saameyntiisii shaqeynayso ayuu xilkii wareejiyey. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Qaabka uu ku yimid Maayarka cusub ee Gabiley ayaad ku garanaysaa mihiimadda ay leedahay waayo-aragnimadu. Maayar hore Aamiin wuxuu ka soo shaqeeyey inuu si farsamaysan uga takhaluuso mucaaradkiisii mudada dheer ay dagaalka siyaasadeed ku wada jireen. Waxa mar labaad Maayar loo doortay ninkii uu soo dhisay, oo xukuumadda cusubi markiiba diidmo ka keentay.
Hasayeeshee loo waayo-aragnimo sheegtay. Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Wasiirkii Dawladaha Hoose iyo Wasiiraddii Qorsheynta oo aan habayartee lahayn waayo-aragnimo-siyaasadeed ayuu hadh cad tiisii marsiiyey. Shaki kumo jiro inuu gobolka Gabiley mar kale ka noqon doono Wasiir awood badan oo ka soo baxa xukuumadaha dambe. Siyaasi Cali Guray ayaa laga hayey waayo-aragnimadu sheeko kuma fiicna, in la soo taabto ayaa fiican.