= Meel isgoys ah ayey ku murmayaan, dadkii goobta marayey ayaa ku soo xoomay. Isma caqli dhammaan, waxa ay qiyaas ahaan ku jiraan 19 jirro ama 20 jirro. Isma dhagaysanayaan, jaafaajiriqooda waxaad moodaa Gambayar war isku haysata.
Waxaan ka mid ahaa dadkii ku soo leexday si ay arrintooda u eegaan. Cidi noomay dirin, waanu is-xilqaanay. Tiraba shan qof oo waayeel ayaanu noqonay.
Mid khaldan garanmaysid, saddexduba xanaaq awgii ayey shidan yihiin. Askariga iyo Taraafigu waxa ay si ciyaalnimo ah ugu hadaaqayaan shaadhka dawladda ee ay xidhan yihiin. Ka Dirwalka ahi wuxuu isku difaacayaa, waynu is-naqaanaa. Doodoodu waa tii ciyaal xaafadka. Mid kastaa wuxuu ku celcelinayaa inuu iska celin doono.
Waanu ku dhex-dawakhnay, waar bal kolba midow hadal ayaanu ku taagwaynay. Dadkii ku soo buuqayey ayaa batay. Nasiib wanaag waxa soo joogsaday sarkaal Gaashaanle dhexe ah oo baabuur wata oo Bilays ah. Hal mar ayaanu wada nidhi” Sarkaal ciyaalkaagan kala qabo.” Waanagaa isaga dareernay. Waxa noogu sii war dambaysay isaga oo saddexdiiba gaadhiga saaray.
Like
Comment
Send