= Dawladuhu waxa ay si gaar ah isaga baadhaan Dublamaasiyiinta loo soo magacaabo. Waxa ay xoogga saaraan wuxuu hore u ahaan jiray, waxaana halkaasi uga soo baxa siduu siraha u ilaalin karo iyo haddiiba aanu khatar ku ahayn danaha dalkooda. Prof. Gees ayaa buuggiisa ku sheegay nin dawladdii Kacaan dal safiir looga magacaabay, oo makhayaadaha sida dadka çaadiga ah uga sheekeeyey wixii uu la kulmay.
Wuxuu sheegay inuu galay Shil-Siyaasadeed. Dalkii wuxuu codsaday in la soo beddelo. Galaal oo si cad ula safan Shiinaha warbaahintana ka sheegay ayaa Safiir ka noqon doona Taywaan, waa mid ay adag tahay in albaabka laga furo.
= Sidan oo kale Itoobiya ayaa saluugtay Safiir uu Madaxweyne Biixi u magacaabay, markii uu 7 bilood waraaqihii laga qaban waayey, waa tii la beddelay.