Xirsi oo Xaashi Madaxtooyada ka soo xidhay. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Loollan muddo dheer u dhexeeyey labada Guddoomiye ee Xirsi iyo Xaashi ayaa lagu kala baxay. Xirsi wuxuu si weyn uga soo horjeeday in Xaashi xukuumadda Cirro qayb ka noqdo. Hasayeeshee Xaashi waxa u fushay inuu tiro Wasiirro ah helo. Xirsi oo arrintaasi waxba ka qaban kari waayey, ayey u suurtogashay inuu ku guulaysto in Xaashi uu kaga fadhiisto inuu saami kale ka helo xubnihii kale ee dawladda.
Xirsi wuxuu madaxtooyada ku haystaa saaxiibo daacad u ah ama xulufo (Wasiirka madaxootada iyo Afhayeenka). Kuwaasi oo si joogto ah wararka hoose ee madaxtooyada u siiya. Saddexo cisho ka hor, Xaashi wuxuu soo saaray qoraal dood iyo hanjabaad isugu jira. Kaasi oo dhigayey in Kaah aanu ahayn mid u dhexeeya mucaarad iyo muxaafid, balse uu yahay mid mucaarad ah. Hadalkan ayaa lagu fasiray quus uu gelitaankii madaxtooyada ka taagan yahay.