Guudmarka Buugga “Galalaati: Burburkii Jamhuuriyadda Soomaalida” (WQ: Cabdicasiis Ibraahin Ciise “Daacad”)

Wuxu diiradda saarayaa waxyaabo badan oo sababay burburkii jamhuuriyaddii dhexe ee Maxamed Siyaad uu hoggaaminayey, sababta ay Somaliland u goosatey, halka uu ku danbeeyay fikirkii shantoo is weheshataa wacnaydaa.. iyadoo calan qudha wada yeelataa wanaagsanaydaa iyo tobanka tiir ee dawladnimada dhisa ama burburiya oo qoraaggu u taxay sidan: Xeerka, diinta, aqoonta, dhaqanka, dhaqaalaha, xorriyadda, caddaaladda, nabadda, siyaasadda iyo hoggaaminta.

Buuggani waa buug si qotodheer wax uga odhanaya dhammaan qodobbadan aynu xusnay, isla markaana si aqoomaysan oo daraasado cilmi ahi aanay ka dheerayn u turxaan bixinaya waydiimaha la iska waydiin karo qodobbadan.
Haddaba, waa maxay farriinta uu sido buuggani?
– Waa inuu buuggani iba-fur u yahay doodaha qiimaha badan ee ka taagan isweydiinta dawladnimadii Soomaalida iyo xalka loogu jiro dawladnimo danbe, ha noqoto Somaliland ama Soomaaliya.
– Buuggani wuxu u yahay tacliin iyo barasho dhabbihii ay soo martey Soomaalidu siiba labadii isku biirtey 1960kii (Soomaaliya iyo Somaliland). Waxyaabo badan oo daaha la saarona wuu ka rogayaa.
– Sidoo kale, buuggani wuxu marjac iyo maanhag u yahay qof walba oo isleh wax ka qor ama ogoow taariikhdii burburka jamhuuriyaddii Soomaalida.
– Aakhirka wuxu soo gudbinayaa soojeedimo ku saabsan sidii galdaloolooyinka looga jiri lahaa geeddiga yagleel ee dawladnimada Somaliland oo calaamado badani ay ka muuqdaan.

FG: waxaan qof walba oo jecel diiwaan uu taariikhdaynu soo marnay ka daalacdo iyo dhabbaha aynu marayno ugu baaqayaa inuu doonto buuggan, isla jeerkaasna maktabaddiisa dhigto oo uu akhriyo had iyo jeer. Inuu ka jiro qofku buuggan amaanaysiga, iwm.

Ku mahadsanid qoraa Xasan Cabdi Madar (Hassan Madar) inaad wakhti, maal iyo maskax geliso dhiganaha sidan u qiimiga badan. Alle hakaa abaalsiiyo mudane. Waanu kuu ogsoonahay dedaalka intaas le’eg ee aad nafhurnimada ku hirgelisay. ❤
W.Q. Cabdicasiis Ibraahin Ciise (Daacad)