Hadal-haynta Musuq-maasuqa Shaqo Qaran: Ayaamo Isu eg! (WQ: Maxamuud Axmed Oday)

Iyadoo laga yaabo, in aan hore idiin la wadaagay dhacdadan, haddana aan idinku rakaado. anigoo filaya in xaajo u egi haatan taagan tahay.

Daba-yaaqadii 1985-kii, ayaannu soo dhammaysannay laba sano oo shaqo-qaran ah, oo aannu ku soo dhammaysannay xeryaha millaterigii la odhan jiray Xoogga Dalka Somaaliya (XDS). Aniga iyo kun arday oo aan ka mid ahay, waxaannu ku dhamaysannay waqtigaa xeryihii ciidammada kala takhasuska duwanaa, ee qaybtii 26aad ee ciidankaas, oo waagaas taliskeedu ahaa Hargeysa, kuna baahsanayd gobollada Baki, W/Galbeed, Togdheer, Sool iyo Sanaag.

Ardaydii aan ka midka ahaa, waxaa la isugu keenay goob dab-rid laga samaynayo, oo ahayd banka Qoryaale, ee Cadaadley ka xiga xagga hawd-bari. Inta badan hubka iyo qalabka ciidankaba waxaa gacanta ku haya oo ka dab-ridaya ardaydii aan ka midka ahaa, oo mid kastaaba uu ka mid yahay takhasuskiii ciidan ee uu ka midka ahaa (Taangiiste, Madaafiic, Miinayste, Gaadiidka Gaashaaman, iqk). Abbaanduulihii ciidammadii Soomaaliya oo markaa Gen. Aadan C/laahi Nuur (Aadan-gabyow), iyo jananadii hoggaamada ciidanku badi waa marayaan meesha.

Dabridkii wuxuu noqday, kii ugu wanaagsanaa ee qaybtaas 26aad, weligeedba samaysay. Arday ka mid ahaa, ardayda, ayaa isla goobtii la damcay in lagu sarkaalo -Maanta waa ciidanka Asluubta, gaar ahaan Burco. Magaciisuna waa Cismaan Ibraahim Guuleed (Cismaan-sulux). Taliyihii ciidanka ardaygaasi ka tirsanaa, oo la odhan jiray G/le Sare: Xasan-qurux, ayaa Gen-Gabyow u soo jeediyay, in haddii XDS uu rabo in uu saraakiil qorto, maanta aanay fursaddaasi seegin, oo ardaydaa ciidanka labada sano la joogtay, laga qorto saraakiisha aynu u baahannahay. Gen-Gabyow, arrintii waa aqbalay, wuxuu amray in ardayda loo bandhigo, oo wixii ku qanca isla bishan gudaheeda la iga daba keeno (Muqdisho), oo ay sidaas ku galaan Kulliyaddii Saraakiisha ee Jaalle Siyaad.

Sidii ayaa foomam (forms) laga buuxiyay ardaydii intii aqbashay in ay saraakiil noqdaan, oo aan aniguna ka mid ahaa. Xerada Soodaanta, ee Hargeysa, oo ahayd talisikii Guutadii 11aad ee Madaafiicda, ayaa la isugu kaaya keenay. Tiro badan maannu noqon, ilaa 90 arday ayaannu noqonnay. Subaxdii dambe ayaa laba gaadhi nalagu qaaday, Xamar ayaannu laba habeen u dhaxnay. Xeradii Xalane, ee caanka ahayd baa nala geeyay. laba maalmood ka dibna, laba bas baa na soo qaaday, waxaa nala keenay Kulliyaddii Jaalle Siyaad, halkaas ayaannu deggannahay, raashinkana waxaannu ka cunnaa ururka taakulaynta Kulliyadda, oo dhanka Koonfureed kaga dheggan xarunta Kulliyadda. Muddo saddex ilaa afar bilood ah, ayaan wax tababar ahna nala siin, cidina aanay nala hadlin.

Ugu dambayn, sow! waannaan  ogayne, waxaa la diyaarinaya dad suuqa laga soo qorayo, oo ninkii (Gebyow)Hargeysa isagoo jooga yidhi iga daba keena, iyo xertii la socotay ayaa qaydhinka ku qaybsaday dadkii saraakiisha loo qaadan lahaa. Subax, ayaa na loo yeedhay, waxaa la yidhi imtixaan baa gelaysaan aad la gelaysaan ilaa kun qof oo kale, markaa kollayba idinku arday baad tihiinoo waad baasaysaane, imtixaanka gala. Imtixaankii baa la qaaday. Muddo laba bilood ah ayaa lala maqnaa. Maalintii dambena, liisto kale ayuun baa la xaadiriyay, annagana Koofiyad-cas baa nalagu xeeray, oo albaabka hore ee kulliyadda inta ay naga saareen, ilaa Wershedda caanaha hareeraha naga raacayey. Xataa! gogoshayadii, kuma aannaan noqon. Sidaa ayay ku soo geba-gebowday, rajadayadii in aannu saraakiil noqonnaa. Dhalintii, waagaa la qaatayna, muddo yar ka dib ayaannu isku aragnay goobihii dagaalka ee Hargeysa, Berbera, Sheekh, Burco, iqk, .Magac caan ah ayaa loo yiqiinnay oo la yidhaahdo (Bayl-cad). Bayl-cad, in ka yar 10% ayaa ka bad-baadday dagaalkii dhex-maray SNM iyo XDS..

Geb-gebadii, haddii cabashada laga sheegay barnaamijka shaqo qaran ay dhab tahay, sow mu’adinkuna noqon maayo Gen-Gebyow, imaamkuna noqon maayo,…..?

Mahadsanidin

____

MAO