Muxuu ka hadlayaa buuggayga cusub ee “Helen Keller”? (WQ: Cabdirisaaq Sandheere)

Waa buug u qoran qaab sheeko, wuxuu ku halqabsanayaa gabadha la yidhaa Helen Keller. Helen Keller, waxa ay ahayd qoraa, macallimad, tababbare nololeed, & gabadh arrimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba u dhaqdhaqaada! Indhaha iyo Dhegaha ayay naafo ka ahayd. Helen Keller, waxaa lagu tiriyaa dadka adduunka soo maray kuwa ugu guulaha wanaagsan ee wax laga dheefo oo lagu xasuusto ka tagay. Ugu horreyn iyada oo caafimaadqabta, misana Lixda laxaad ba qabta ayay dhalanaysaa. 19 bilood marka ay jirsato ayay xummadi ku dhacaysaa. Muddo ayay la ildarnaanaysaa. Waxay muddo la jiiftaba xummaddiibaa ka ba’aysa. Xummaddii way ka ba’day, se waxa ay kaga tagtay indhala’aan iyo dhegala’aan. Labadii laxaad ee lixda laxaad ugu mudnaa ayay waayaysaa! Dam.

Hooyadeed, iyo Aabbaheed ayaa dhakhtar u raadinaya. Hooyadeed qaabka ay u raadinayso waxaa ka mid ah inay la socoto Wargeysyada maalinlaha ah ee guud ahaan dalka, gaar ahaanna gobbollada jaarka ka soo baxa. Markaa maalin iyada oo akhriyaysa Wargeysa ‘ American Notes’ ayay ka helaysaa war ah inay jirtay gabadh la odhan jiray Luara Brigdman, oo waxbaratay. Sidoo kale, waxa ay ka akhriday inuu jiro dhakhtar xanuunnada noocan ah wax ka daweeya oo yaqannaa.

Helen Hooyadeed iyo Aabbaheed ayaa dhakhtarkii u tagaya. Dhaktarkii wax sidaa u sii buuran uma qaban, isna wuxuu ku xawilay oo kula taliyay inay u tagaan Alexander Graha Bell, oo markaa ka shaqaynayay Dugsi dhegoolayaal dhigtaan, Washintong na joogay. Bell, ayay u tageen, Helen ayuu wax wayddiiyay oo waraysi ayuu la yeeshay. Bell, wuxu kula taliyay inay Dugsiga ‘Perkins Institute for the Blind’ oo ku yaal Boston, Massachusetts ay tagaan.

Helen aqoonta yaraan ayay ku bilowday iyada oo indhaha iyo dhegahaba la’. Dugsi hoose ayay ka bilowday illaa ay dhammaysay. Dugsiga marka ay dhammayso Jaamacad ayay galaysaa! Oo waxa ay noqonaysaa qofkii ugu horreeyay ee NAAFO ah ee Shahaadada Farshaxanka qaata! Halganka way wadaysaa illaa Ph.D ay gaadho! In ka badan 37 Dal oo Shanta Qaaradood ee adduunka ku yaalla ayay martay, oo dhiirrigelin, khudbadjeedin,baraarujin, iyo dalxiisba u tagtay. Hibooyinka ay lahayd waxaa ka mid ahaa qoraalka, oo waxa ay qortay wax ka badan 18 buug oo dunida daafaheeda ka caan ah, waxaa ugu caansan buugga la yidhaa ‘ Story of My Life’ oo in ka badan 50 luuqadood loo turjumay. Sidoo kale, buug badan ayaa sooyaalkeeda laga qoray.

Hadda ogow oo Helen, marka aan ku leeyahay ‘ Waxbay baranaysaa… Qoraysaa…’ waa DAM, oo indhaha iyo dhegahuba way bannadanyihiin. Sidee wax u baranaysaa?! Sideese wax u qoraysaa? Sidee ayay indhala’aanta ula tacaashay? Sidee ayay u arkaysay? Qofka Laxaadka naafada ka ah macnaheegu ma waxba ma qabsan karaa? Qofka laxaadka ka dhantaalan, gaara ahaan waliba Indhaha ama dheguhu wax ma baran karaa? Maxay ani Shakhsiyan macno ii samaynaysaa? Waa su’aalo iswayddiin mudan oo qoraaga in la wayddiiyo xaq loogu leeyahay, se buugga ayaa innoo qaadaadhi doona, waanna meesha uu mawduucu daaranyahay buugguna ka duulayo. Buugga gudihiisa ayaynnu ku bandhigi waxa aynnu uga gol leenahay.

Sooyaalka noocaas ayaan buuggan ku soo ururiyay oo ku qoray. Qaab sheeko ayay u socotaa qisadu. Se ogsoonoow oo kaliya buuggu maaha Sooyaalka oo qudha, se waxyaabo badan oo kale oo dheeri ah iyo xaalxaalkaba waan ku daray, oo way ku jiraan. Gabadhu maadaama ay tahay tusaale cad iyada ayaa awoodda magaca iyo buuggaba la wareegtay, se iyada wuu ka yara faahfaahsanyahay oo kuma koobna.

Mid kale ayaa inta badan la qaldi doonaa, waan sheegay mar kalana waan ku celinayaa, waliba cod dheer baan ku sheegayaa; ‘ Buuggu maaha TURJUMAAD’ waa ‘ QORAAL’ aan anoo soo ururiyay oo xigashooyin badan iyo ilo kale leh. Buugta ay qortay gabadhu ayaa inta badan xigasho iyo tixraac ii ah, walow kuwa kale jiraan.

Waxa buuggu koobsanayaa oo aan ka soo xigtay, ama tixraacay in ka badan 1o buug oo gabadhu qortay, in ka badan illaa 20 buug oo iyada laga qoray (waa intii aan ka helay buugta laga qoray, se boqollaal buug oo luuqad kasta leh ayaa laga qoray), Filimmo badan oo laga metelay Helen Keller iyo Macallimaddeedii Annie Sullivan, maqaallo aanan tiro ahaan u haynnin se laga qoray wacdaraha Helen, Waraysiyo lala yeeshay Helen, Khudbado ay jeedisay Helen, iyo Ilo badan oo kalaba waa ii xigasho.

Mar labaad aan ku celiyee ‘ maxaa aan shakhsi ahaan ka faa’idayaa?’ waa waxa aynnu buugga dhexdiisa ku qaadaa dhigi doonno.

Taarikhda Caalamka Helen Keller inta aan xogo ku hayo illaa 50 Luuqadooda ayaa wax lagaga qoray. Kan aan ka sheekaynayo ee Afkeenna Soomaaliga ku qoranna wuxuu noqon doonaa buuggii 51aad ee laga qoro Helen, laguna qoro Luuqadda AF SOOMAALIGA.

Se waxa aad ii ogsoonaataa, buuggu sida aad filayso inuu yahay baraarujin, carin, sooyaal, waa’aragnimo, sheeko, iyo kuwa kalaba inuu noqon doono. Kumana kooba Sooyaalka Helen Keller oo qudha. Tanna ii gunud.

Buuggu dhawaan buu soo baxayaa isaga oo dhammaystiran. Waanna 350+ Bog. Haddii aad xiisaynayso soo codso. Asxaabtaadana la wadaag (Share dheh).