Sheeko faneed: Ciilna waan la koray, ciilna waan la guri galay! (WQ: Abdirahmaan Hassan Gacayte)

Cali waligaa shido baad utaagnayd, yaraantaadii baadiyaad ku qaadatay, markay hooyadaa dhimatay, abahaa naag kale ayuu guursaday, aad bay kuu dili jirtay, intaad la joogtay maalin aysan ku dilin ma jiri jirin, heer jirkaaga meeshii la daymoodaba, ay boogi ahayd, dixiriguna dheecaankiisa kugu balbalin jiray, cidina aysan dheg jeleq kuu siin jirin, maxaase lagaaga naxayaa adba geeljiraha aynigaa ah ayaad ka sii jari jirtay intay kuu gaysatee.

Saaka subuxu waa aroor, waa adigaas go’aagii xumaa injirta ka guraya, waa omos oo dhulku waa oomane, dhirtuna waa qallalan tahay, biyo ha sheegin oo ceelna aaga kama dhawa.

Wataas ilsaantii Baso ku leh, tuldihii waagan maqnaa baadi goob, hadal kama noola warkaas, gunuunac waxba kuuma taro, hadal soo celin haday timaadana, sidii rooxaanta ama gallayrkay bay kuugu dagi adna bakhti shinbirood baad noqon.

Markaan 14 sanno baa kuu dhow dhow, waa marka Soomaali tiraahdo digna kama tagin doohna magaarin, adaa cid isula quman, oo waa adiga tiro oo saddex jeer ahba, reerka aqalka ka gubay oo Odaguna, bakhtigaaga ka talaabsaday, heer aad maalmo Geed ku xirnayd, ilaa uu markii danbe sabaalo kaaga siidaayay adeerkaa baashe, ciil baa hinqaha ku jooga maalmahan, oo ragganimo baad isbidaysaa, indhawaale talo baxsasho baad rogrogaysay, saakase taladaasi waad soo afmeertay, oo xalay indho ismaad gallin, sidaad arooryada usugaysay, mar un muu waagu cadaado, xataa xalay marbaad hamisay, inaad guure ku dhaqaajiso, arladaadse aanad aqoon oo iftiimaha iyo maalinta baad sugatay.

Cali ahaan waligaa magaalo maad arag, saaxiibkaa Qudhub baase kaaga warbixin jiray, Gawaarida Meheradaha iyo Tuulada camiran, ee Dadku udhaansi, war doon iyo wax iibsashaba utagaan, waxaadse ku hammin jirtay inaad mar un Magaalada tagto, baso baase kaa ilaalin jirtay.

Baso waa dheertahay, oo maariin tahay, indhahaase galkooda kasoo baxsan, labo fool oo aad dhagax uga jabisay baa ka maqan, indho gud guduudan, oo cidii aragtaa ay cirfiid la mataanaynaso bay leedahay.

Dhib dhexdiina ah mayara, saakase inaad dhaafto baad ku talo goosatay, oo waa adigaas ubadaadii biyo yar ku shubtay, oo arli aanad aqoon u anbo isleh.

Saaxiibkaa Qudhub baase talo meel idiin wada taalay, oo ruun baad ku balanteen, asagu Hooyadiis waa nooshahay, Aabihiis ayaase waa hore xijaabtay.

Hooyadiis Tuulada baa lagu qabaa, oo Qudhub waxaa u cida walaashiis asna baylahoof iyo ba’siba marisay, oo way qadisaa sida awrakana uqabirtaa, Hebeeno uudhaxayna tii xiintoo baroortaa ka raacday.

Qudhub da’ahaan kaa fil roon, oo waa Nin xoog ah oo murqo iyo kaganaan jireed leh, waa dhoohane kuu dhaga nugul, adaana seeriga uyeeriya, waase saaxiibka aad cid isugu jeceshihiin, oo jabka aad isugu jiibisaan, siwacan baad maanta uqorshayseen, oo ruun qorwaa baad ku wacad goosateen Soo baxsate oo Qudhub hooyadiis baa la hartay, adiguse Magaala wayn gaarigii ahaa bay kugu dartay ileen Aabahaa Ciise baa Tuulada soo gaaree.

Ciise dagaal buu ku baxay oo guluf Reerka lagu ekeeyay buu maalin hore raacdo ugalay, walise ma soo noqon, sidiisa ahaan waa Qab-qable dagaal, oo reerku xag dagaal uga tashto, ma soo jeestaan dhiifoon, oo aalaaba hubkiisu waa uheenaysan yahay, oo ma dhigo.

Gaari Xaabsade ah, oo nooca labada shir leh baad dhakada koofiyada lagugu xaseeyay intii Magaalada laga amba-baxayay, Qudhub hooyadiis Barni aad bay kuu wanaajisay, kiishna wax ay markaas lacag kuugu sheegtay bay kuugu duubtay, Oo kaala dardaarantay darawalkii oo aan markaas ku garanayn, una sheegtay xaafada habaryartaa inuu ku geeyo, waligaa gaari maadan raacin oo intuu socday waad ku xanuunsatay.

Adoo daal, xanuun, iyo wareer ku hayo baad soo gaartay magaalada, abaartaadu say ahayd habaryartaa baa laguu keenay.

habaryartaa waa qof Diin leh, oo aad u xabiibad ah way qaadan wayday, wasakhda, diifta, daalka iyo xanuunka kaa muuqda aad bay kuu soo dhawaysay gacan Hooyonimo baad heshay.

Go’ii xumaa iyo macawistii injirta boorka iyo duuguba dileen lagaa tuur, laguu labis oo dadnimada lagugu soo dar, diiftiratay durba, habaryarna ku kool koolisay baryo, oo suuq aadan waligaa malaysan lagu gee, layaab laguu keen, dad badanaa meeshu dhowr jeer kuftay saad dhaygag, ugu maqnayd hablaha iyo inamada aynigaaga ah, habeenimo bay ahayde layrarkii baad ku wareertay, siday abaartu ahayd Suuqaad soo gaarteen, dhar kugu jag ah iyo kabo kugu jan ahba laguu gad, labisatay oo laafyootay, habartii ka raysatay, libaax la tagtii.

Dadka xaafada jooga mawada ahan habaryar oo kale, waxaa xaafada ku nool dad badan oo ay ka mid tahay nasiib, nasiib waa gabar laf leh, oo midab ahaan cad, waa la soo furay oo waa garoob, xaafada habeen kasta raggbay keentaa oo aad bay ushukaansi badan tahay, qalafsanaanta waa Baso oo kale, tiro dhawr ah baad isku dhacdeen, saa dabeecad idinkala hagta ma jirtee.

Waa yaa socday oo sannado badan baa tagay, oo habaryarna xanuun baa lasoo darsay, aad baa loo qabtay, dabiib dibada ah lagee, dalka lagala caalwaa, dabiibse loo waa, waayo ka dibna rabbaa oofsaday, abidkaa maadan nixin oo maanta, waa kalaa kugu baryay, naftii kaliya ahayd ee aad nolosha naxariis ka dareentay, wataa oo dhimatay.

Intay habaryar dhulyaalka ahayd, noloshu indho fiican kuguma eegin, nasiibna nacab bay kugu noqotay, jeer aay dharkaagii gubtay, xaafadiina indhahay isku jabsatay, habaryar waxay ka tagtay, nasiib, cilmi iyo baraare, labada ragg waa tageen xaafadiina waa lagu kala dareeray, adigiina aduunyadiibaa indho arxan daro ah kugu eegtay.

Waad shaqo tagtay, oo kirish booynimo bilowday si aad nolosha dhac dhaceeda uhesho waysa kaaga dartay, oo waa idigan balwada yeeshay, buuri, qaad iyo sigaarba, waad daldashay.

Waxbarasho waagaad timid baad meel ka xariiqan jirtay English, xisaab iyo farbarashada soomaaliga.

Waa danbaa ku saaciday oo waxaad, maalin adoo gaariga daaqadiisa ku go’an aragtay nin xoogleh labtoob wata, salaan gacaltooyo kuu fidi.

War ma Cali baa.?

War ma Qudhub baa.?

War iiwaran waran iyo warsan isdhahde, isku joog iyo jaan midna matihidin oo asagu waagii buu waxbarasho utafaxaytay, haatana waa arday jaamacadeed, dhanka kalana waa xoghayaha Dagmada.

Nin waa udilaacay baad ahayde, garigii xataa bartii baad uga harteen israacde oo dib baad isku ragg ka noqoteen.

Farxad iyo bogaadin baad iskula huleesheen, ilaa uu gurigiisii ku geeyay oo aad isku ceesh noqoteen.

Ragg talo maka dhamaatee, kuu tali oo ku bar madax iyo ganacsato kala jaad ah, shaqo waardiyinimana dagmadii kaasii, baryo joogtoo dulaal noqotaye, kana dalacday waardiye, dhul gadid iyo raadin baa kuu shaqo noqotay.

Waxaad kaloo shaqo ka dhigatay in aad raadisid cid dhul isku haysata, jeerkaasna hadii lagu heshiin waayo dagmadaa leh xeer ah oo banaysasho dhulalka shacabka ah aad ku oogtaan saasna aad ku banaysataan. tiro dhulal ah oo laysku qabsadayna qaadate, waxayse balo idiin bariday markii Qudhub ka dagay muddo xilleedkii, qaadkii iyo tumashadiina aad waydeen.

Saaka waa arooryo, dabaylaa dhacaya, habaas iyo siigana cirka maasheeyay, boor lalama socon karo, adigase waa kuu subax kurbo katiinadaa kaa lusha, oo Askar baa kugu xeeran, labada gacmood iyo labada lugood baa isugu kaa jaban, oo tiirka toogashadaa laguu wadaa, maxaa laguu toogan waayay?!.

Waa adigii dagmada ka bilaabay, boob dhulleedka loo yaqaano ku qabso ku qadi mayside, waa adigii Saaxiibkaa Qudhub, aad ku kala huleesheenee, ileen labadii xaqdarada ku heshiisa xaqay ku kala tagaane, waa idinkii Dhul boobkii yaasin warfaa ku kala tagay, oo Qudhub lacagtii marduufyo lagu lahaa ku baxshay, adna aad qaybtaadii inuu qaatay qaadan wayday, asna taas kuma joogine booskii xigay dhacdhaciisii waa asagii qaatay, habeenkaa asagoo marqaamaya, ayaad ugu tagtay maqaayadii aad kuwada bikaaxi jirteen ee dhalanrog, waa adigaas booshka iyo qoriga ku jeeniqaaran aragtidii uhoraysayba maad warsane waxaad xabad kaga tomaadisay wadnaha, waxba ma laabnayn markii la rogay oo ay ka aroodhay, adna maantaad haysaa waxaad falkisay.

Saakay waa ku kaa, toogasho ayaad u xirantahay, hoos baad ka ducaysanaysaa, laakiin yaa aqbalaya ducadaada? Adaaba gacan ku dhiigle ahe, labadii malag ee indhaha cas casaa baa godka kugu sugaya. Mugdigii yaabka lahaa baa ku sugaya. Caliyoow ayaankaa, adigiyo nasiibka.

Waa sheeko faneedii iigu horaysay oo aan curiyo, Khaladaadkeeda waan idinka raalligalinayaa.

Fadlan fariintaada hoos iigu reeb.

W/Q Abdirahmaan Hassan Gacayte.

Tafatirkii Cabdisalaan Ceeryaamo.